Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ka dooday hindise sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 3, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhrinta 2aad ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka usoo gudbiyey warbixinta Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka oo wax ka bedel ku soo sameeyay Hindise Sharciyeedkan waxaana Guddoomiyaha Guddigan Mudane Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Xildhibaannada ka hor hadlay uu qeexay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay dalka isagoo sidoo kalena ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka iney meel mariyaan.

Xoghayaha Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali ayaa isna Mudaneyaasha Baarlamaanka u akhriyey guud ahaanba qodobada xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo wax ka bedelkii ay guddiga kusoo sameeyeen waxaana qodobada xeerkan ka sokoow siyaasadda lagu hagayo isgaarsiinta guud ee Qaranka iyo in gacanta dowladda lagu soo celiyo maamulka isgaarsiinta ka sokoow ka mid ah in shirkadaha isgaarsiinta is wici karaan oo uusan muwaadinka Soomaaliyeed ku qasbanaan in uu qaato ama isticmaalo madaxyo kala duwan oo telefoonnada gacanta ah.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Dhinaca kale waxaa Xildhibaannada Baaramaanka loo qeybiyey soo jeedin wax ka bedel lagaga sameynayo qodobada qaar ee sharcigan oo ka timid xubno guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ka tirsan, waxaana Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hor akhrisay soo jeedintooda ayaa xustay in qodobada 8-aad ee hindisahan uu qeexayo in guddiga xubnhihiisa laga dhigo 7 balse u qeybsami karin hanaanka saami qeybsiga Soomaalida ee lagu heshiiyey sidaasi darteedna ay soo jeedinayaan in laga dhigo 9 xubnood si looga hortago kala sed bursi iyo in nidaamka lagu ansixinayo guddiga uu maro habraaca ay maraan guddiyada madaxa banaan oo ah in marka Golaha Wasiirradu soo ansixiyaan Baarlamaanka la horkeeno.

Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku-xigeenka Koobaad Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shirka Guddoominayey ayaa gebagebadii Baarlamaanka xasuusiyey in sharcigan muhiimad gaar ah uu u leeyahay dalka iyo dadka sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in uu u gudbo akhrinta seddexaad oo ah marxaladii ugu dambeysay si loo ansixiyo.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka 16ka bishii May ee sanadkii 2014, waxaana Baarlamaanka la hor keenay 22ka bishii Octobar ee sanadkii hore in la ansixiyana waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka, balse in Xildhibaannada Baarlamaanka ka doodaan, ku darid iyo wax ka bedelidna ku sameeyaan ay tahay shaqada iyo waajibaadka qaran ee loo idmaday.

Previous Post

Guddoomiye Muungaab oo shacabka ka codsaday la shaqeynta laamaha amniga

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In