Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ka doodaya sharciga Isgaarsiinta dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Baarlamaanka oo ka doodaya sharciga Isgaarsiinta dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hab-dhowraha Baralamanka Soomaaliya  Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo Xilli Walba Radio Muqdisho la soo Socodsiiya Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa saakay inoo sheegay in Xubnaha Golaha Shacabka ay ka doodi doonaan Ajandayaasha kala ah Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta oo horay loo soo diyaariyay isla markaana uu ka Hor Akhrin doono Baarlamaanka Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta  iyo Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeed ku saabsan Dhaqidda lacagta.

Xildhibaanka ayaa ka jawaabay su’aal ku saab sanayd in xubnaha Golaha Hindise sharciyeedyadaan ay dood galin doonaan wuxuuna yiri.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

“ Markuu Aqriyo Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Xildhibaan Cabdi Xaashi  Cabdullaahi Hindise Sharciyeedkaan  Isgaarsiinta kaddib xildhibaanadu fikirkooda ayay ku biirin doonaan iyaga oo su’aalo ka weydiin doona Guddoomiyaha Guddiga isla markaana talo soo jeedin doona si loomeel mariyo Hindisahaan sharciga loogu samaynayo Isgaarsiinta dalka”

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa sheegay in Hindisaha kale ee Dhaqidda lacagta ay tahay mid dib u Eegis loogu Samaynayo  la cagaha Doolarka ah ee daawada leh isla markaana la dhaqo taas oo ay ka hadli doonaan Golaha Baarlamaanka inay Arrintaas tahay sharci iyo inaysan ahayn, iyadoo waqtigaas kaddib qodobkaas loo samayn Doono sharci Kulamada kale ee Baarlamaanka, isagoo intaa raaciyay in Xildhibaanadu ay  sugayaan inuu horyimaado Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu dambay Xildhibaanka ayaa ka hadlay qorshaha lagu dhimayo Mushaaradka Dowladda taas oo ay horay u shaacisay Wasaaradda Maaliyadda ,isagoo sheegay in qodobkaas loo soo gudbin wali Mudanayaasha  Golaha shacabka.

Previous Post

Qaxooti Dowladda ka Codsanaya in la Caawiyo+Dhageyso

Next Post

Haweenka oo isku Diyaarinaya Hiigsiga Cusub ee Sanadka 2016’ka

Next Post
Haweenka oo isku Diyaarinaya Hiigsiga Cusub ee Sanadka 2016’ka

Haweenka oo isku Diyaarinaya Hiigsiga Cusub ee Sanadka 2016'ka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In