Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ka hadlay Hindise sharciyeedka Iibka iyo qandaraasyada Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku leh xarunta golaha shacabka ayaa guda galay akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Iibka iyo qandaraasyada Qaranka.

Hindise sharciyeedka Iibka iyo qandaraasyada Qaranka waxaa baarlamaanka dib ugu soo celiyay Guddiga maaliyadda, qorsheynta miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda oo gacanta ku hayay muddooyinka dambe, waxaana guddoomiyaha guddigaaasi Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh oo Xildhibaannada ka hor hadlay uu sheegay in sharcigan ay dib u habeyn badan ku soo sameeyeen.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Xildhibaan Dr Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa Xildhibaannada u sharxay faa’iidooyinka uu sharcigan u leeyahay dalka.

“Waxaa jirta qeyb ku saabsan qandaraasyada iyo iibka oo fursad u ah bulshada, waxaa kaloo jirta qeybta maalgeshiga ku saabsan oo la yiraahdo heshiisyada dheef wadaag ama ganacsi wadaaga, kaasi oo ganacsatada iyo hantida gaarka ah loo leeyahay ay ka qeyb qaadan karto” ayuu yiri Xildhibaan Dr Cilmi.

Xoghayaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo isna Xildhibaannada baarlamaanka ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigan uu ka koobanyahay saddex qodob oo aad ugu muhiimsan dalka, kuwaasi oo u baahan in mudanayaasha ay talooyinka ka soo dhiibtaan.

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa mudanayaasha ka dalbaday in sharcigan ay soo akhristaan, isla markaana uu jiri doono maalin u gaar ah oo looga doodayo wax ka badalka hindise sharciyeedkan.

Sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka oo ka kooban 178 qodob ayaa mudanayaasha marka ay u soo gabo gabowda akhrinta saddexaad laga sugayaa inay meel mariyaan, maadaama uu muhiim ugu yahay dalka.

 

Previous Post

Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka oo ka soo laabtay Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka xanaanada xoolaha oo ku baaqay kordhinta xoolaha la dhoofinayo

Next Post
Wasiirka xanaanada xoolaha oo ku baaqay kordhinta xoolaha la dhoofinayo

Wasiirka xanaanada xoolaha oo ku baaqay kordhinta xoolaha la dhoofinayo

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In