Thursday, August 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ka hadlay Hindise sharciyeedka Iibka iyo qandaraasyada Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku leh xarunta golaha shacabka ayaa guda galay akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Iibka iyo qandaraasyada Qaranka.

Hindise sharciyeedka Iibka iyo qandaraasyada Qaranka waxaa baarlamaanka dib ugu soo celiyay Guddiga maaliyadda, qorsheynta miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hayโ€™adaha dowladda oo gacanta ku hayay muddooyinka dambe, waxaana guddoomiyaha guddigaaasi Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh oo Xildhibaannada ka hor hadlay uu sheegay in sharcigan ay dib u habeyn badan ku soo sameeyeen.

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026

Xildhibaan Dr Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa Xildhibaannada u sharxay faaโ€™iidooyinka uu sharcigan u leeyahay dalka.

โ€œWaxaa jirta qeyb ku saabsan qandaraasyada iyo iibka oo fursad u ah bulshada, waxaa kaloo jirta qeybta maalgeshiga ku saabsan oo la yiraahdo heshiisyada dheef wadaag ama ganacsi wadaaga, kaasi oo ganacsatada iyo hantida gaarka ah loo leeyahay ay ka qeyb qaadan kartoโ€ ayuu yiri Xildhibaan Dr Cilmi.

Xoghayaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo isna Xildhibaannada baarlamaanka ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigan uu ka koobanyahay saddex qodob oo aad ugu muhiimsan dalka, kuwaasi oo u baahan in mudanayaasha ay talooyinka ka soo dhiibtaan.

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa mudanayaasha ka dalbaday in sharcigan ay soo akhristaan, isla markaana uu jiri doono maalin u gaar ah oo looga doodayo wax ka badalka hindise sharciyeedkan.

Sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka oo ka kooban 178 qodob ayaa mudanayaasha marka ay u soo gabo gabowda akhrinta saddexaad laga sugayaa inay meel mariyaan, maadaama uu muhiim ugu yahay dalka.

Previous Post

Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka oo ka soo laabtay Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka xanaanada xoolaha oo ku baaqay kordhinta xoolaha la dhoofinayo

Next Post
Wasiirka xanaanada xoolaha oo ku baaqay kordhinta xoolaha la dhoofinayo

Wasiirka xanaanada xoolaha oo ku baaqay kordhinta xoolaha la dhoofinayo

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In