Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ka hadlay wax ka badal lagu sameeyo Hindise sharciyeedka Guddiga Xuduudaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga Shanaad fadhiisa 20aad ee maanta waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa looga hadlayay soo jeedin ay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka oo ku aadan in wax laga badalo qodobo ka mid Hindise Sharciyeedka Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ka hor inta aan la meel marin.

Xildhibaan Cabdiqaadir oo ka mid ah mudanayaasha soo jeediyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobo ka mid ah Hindise sharciyeedka ayaa xildhibaannada u sharxay qodobada ay doonayaan in wax laga badalo.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

โ€œ1. Qodobka 4aad e Hindise sharciyeedka farqaddisa (A) laga saaro meesha loona dhigo sidatan:- 4(A) in uu sameeyo daraasad ku saabsan kala xulashada nidaamka ku haboon loo dhisi lahaa iyo soohdimaha dowlad goboleedyada xunbnaha ka ah Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliyaโ€ ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir oo hadalkiisa ku daray Qodobka 17aad farqaddiisa 2aad in lagu sameeyo wax ka badal loo dhigo sidatan:- โ€œGuddiga Xuduudaha iyo Federaalka wuxuu u soo gudbinayaa baarlamaanka Federaalka talooyinkooda ku saabsan dhisidda iyo soohdimeynta xuduudaha dowladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyadd Federaalka ah ee Soomaaliyaโ€.

Intaas kaddib Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga amniga iyo arrimaha gudaha ee Baarlamaanka ayaa xusay in ka guddi ahaan ay wax badan ka badaleen qodobadii horey ugu qornaa Hindise sharciyeedkan Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka kahor inta aysan baarlamaanka ka hor akhrinin.

Qaar ka mid ah Xidlhibaannada ayaa taageeray soo jeedinta ah in wax ka badal lagu sameeyo qodobada qaar ee ku qoran ee Hindise sharciyeedkan, halka kuwa kalena ay ku doodeen in lagu qanco dib u habeynta ay ku sooo sameeyeen guddiga Arrimaha gudaha iyo Amniga ee Baarlamaanka.

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku amaanay hadal soo jeedinta Xildhibaannada ee ku aadan in wax laga badalo qodobada qaar, isagoo mudaneyaasha ka codsaday inay meel mariyaan hindise sharciyeedkan, maadaama uu muhiim u yahay meel marinta Nidaamka Federaalka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka mudane Mahad Cabadalla Cawad oo shir guddoominayay kalfadhigii maanta ayaa sheegay in hindise sharciyeedka cod la gelin doono maalinta berri ah, waxaana uu Xildhibaannadu ka codsaday in arrintu aysan noqon mid waqti badan qaadata, maadaama shaqooyin badan ay horyaalaan.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo Hambalyo u diray ciidanka Booliska

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo Hambalyo u diray ciidanka Booliska

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In