Xildhibaanada Barlamanka Federalaka Soomaaliya oo kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa kaga dodo doono sharciga ku saabsan darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka ay leedahay Soomaaliya iyo dib u eegista qaraar la xiriira qarashaadka Dowladda,
Xildhibaan Maxamed Cumar habdhowraha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirka baarlamaanka uu ku saabsanyahay qeybinta sharciga darbiga Soomaaliya iyo Kenya, oo dhawaan ay ku mashquulsanaayeen soo diyaarintiisa guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee baarlamaanka.
“Labo ajande ayaa horyaala golaha, tan kowaad waxa ay tahay qeybinta sharciga darbiga Soomaaliya iyo Kenya, waxaa soo diyaariyay guddiga arrimaha dibadda iyo guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka, sidoo kale guddiga maaliyadda ee baarlamaanka waxa ay iyana soo diyaariyeen qaraar ku saabsan dib u eegista qarashaadka dowladda oo Xildhibaanada loo qeybin doono” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.
Xildhibaanka ayaa xusay in sharciga darbiga Kenya iyo Soomaaliya uu mari doono saddex marxaladood oo ah akhrinta koowaad, labaad iyo saddexaad, iyadoo Xildhibaannadu ay guddiyada soo diyaariyay ay su’aalo ka weydiin doonaan inta lagu guda jira marxaladaha akhrinta, kadibna goluhu ay cod gelin doonaan, si uu u noqdo sharci uu baarlamaanku meel mariyay.