Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo loo qeybinayo sharciga darbiga Soomaaliya iyo Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Barlamanka Federalaka Soomaaliya oo kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa kaga dodo doono sharciga ku saabsan darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka ay leedahay Soomaaliya iyo dib u eegista qaraar la xiriira qarashaadka Dowladda,

Xildhibaan Maxamed Cumar habdhowraha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirka baarlamaanka uu ku saabsanyahay qeybinta sharciga darbiga Soomaaliya iyo Kenya, oo dhawaan ay ku mashquulsanaayeen soo diyaarintiisa guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee baarlamaanka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

September 12, 2026

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo hawlgal kulasoo wareegay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe

September 12, 2026

“Labo ajande ayaa horyaala golaha, tan kowaad waxa ay tahay qeybinta sharciga darbiga Soomaaliya iyo Kenya, waxaa soo diyaariyay guddiga arrimaha dibadda iyo guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka, sidoo kale guddiga maaliyadda ee baarlamaanka waxa ay iyana soo diyaariyeen qaraar ku saabsan dib u eegista qarashaadka dowladda oo Xildhibaanada loo qeybin doono” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Xildhibaanka ayaa xusay in sharciga darbiga Kenya iyo Soomaaliya uu mari doono saddex marxaladood oo ah akhrinta koowaad, labaad iyo saddexaad,  iyadoo Xildhibaannadu ay guddiyada soo diyaariyay ay su’aalo ka weydiin doonaan inta lagu guda jira marxaladaha akhrinta, kadibna goluhu ay cod gelin doonaan, si uu u noqdo sharci uu baarlamaanku meel mariyay.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Qoysaskii ka barakacay dagaalka Gaalkacyo oo ka cabanaya nolol xumo

Next Post

Qoysaskii ka barakacay dagaalka Gaalkacyo oo ka cabanaya nolol xumo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada...

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo hawlgal kulasoo wareegay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, Guutada 12-aad Ciidanka Gaarka ah ee Gorgor iyo Guutada...

Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya....

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In