Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo loo qeybinayo sharciga darbiga Soomaaliya iyo Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Barlamanka Federalaka Soomaaliya oo kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa kaga dodo doono sharciga ku saabsan darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka ay leedahay Soomaaliya iyo dib u eegista qaraar la xiriira qarashaadka Dowladda,

Xildhibaan Maxamed Cumar habdhowraha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirka baarlamaanka uu ku saabsanyahay qeybinta sharciga darbiga Soomaaliya iyo Kenya, oo dhawaan ay ku mashquulsanaayeen soo diyaarintiisa guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee baarlamaanka.

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

“Labo ajande ayaa horyaala golaha, tan kowaad waxa ay tahay qeybinta sharciga darbiga Soomaaliya iyo Kenya, waxaa soo diyaariyay guddiga arrimaha dibadda iyo guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka, sidoo kale guddiga maaliyadda ee baarlamaanka waxa ay iyana soo diyaariyeen qaraar ku saabsan dib u eegista qarashaadka dowladda oo Xildhibaanada loo qeybin doono” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Xildhibaanka ayaa xusay in sharciga darbiga Kenya iyo Soomaaliya uu mari doono saddex marxaladood oo ah akhrinta koowaad, labaad iyo saddexaad,  iyadoo Xildhibaannadu ay guddiyada soo diyaariyay ay su’aalo ka weydiin doonaan inta lagu guda jira marxaladaha akhrinta, kadibna goluhu ay cod gelin doonaan, si uu u noqdo sharci uu baarlamaanku meel mariyay.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Qoysaskii ka barakacay dagaalka Gaalkacyo oo ka cabanaya nolol xumo

Next Post

Qoysaskii ka barakacay dagaalka Gaalkacyo oo ka cabanaya nolol xumo

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In