Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo meel mariyay Hindise sharciyeedka guddiga xuduudaha iyo Federaalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga Shanaad fadhiisa 21aad ee maanta oo ay soo xaadireen 145 mudane, isla markaana uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa looga hadlayay labo ajande oo kala ah meel marinta Hindise Sharciyeedka Guddiga Xuduudaha iyo dhageysiga warbixin la xiriirta dilalka Xildhibaanada oo ay mudanayashu ka dhageysteen Taliyaha hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Furitaanka kulanka kaddib ayuu guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha gudaha iyo Amniga ee Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Xildhibaanada u cadeeyay in wax ka badal lagu sameeyay Hindise sharciyeedka guddiga Xuduudaha iyo federaalka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Intaa kaddib ayuu guddoonka baarlamaanka ka codsaday mudaneyaasha inay cod geliyaan, waxaa ogolaatay 129 mudane, halka 13 mudane ay ka soo horjeesteen, waxaana ka aamusay hal mudane, sidaasi ayuuna ansax ku noqday Hindise sharciyeedka Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay meel marinta hindise sharciyeedka Guddiga xuduudaha iyo shaqaalihii soo diyaariyay hindise sharciyeedkan.

Intaas kaddib Xildhibaannada ayaa waxa ay gudaha galeen ajandaha labaad ee kulanka oo ah dhageysiga waxa ay hay’adda Nabad sugidda ka qabatay dilalka Xildhibaannada loogu geystay Muqdisho.

Taliyaha Hay’adda NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa baarlamaanka ka hor sheegay in hay’addu ay bur burisay labo shabakadood oo ay Shabaabku ku lahaayeen Muqdisho, kuwaasi oo geysan jiray dilalka Xildhibaannada iyo dadka kale ee bulshada wax galka u ah.

“Labada shabakadood ee la bur buriyay waxaa ka howlgeli jirtay 11 qof, oo sideed ka mid ah gacanta lagu hayo, halka saddexda kale ay baxsadeen oo ay ka carareen magaalada Muqdisho” ayuu yiri Taliye Tuuryare.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka mudane Mahad Cabadalla Cawad aya soo xiray shirka baarlamaanka ee maanta.

Previous Post

Gaari xamuul ah iyo hub ku rarnaa oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Nabad sugidda Qaranka

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In