Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo Muqdisho kulan ku yeeshay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Baarlamaanka ee manta oo ahaa Kalfadhiga 6aad, Kulankaasi 11aad waxaa shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayadoo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu goobjoog ka ahaa,waxaana Ajandayaasha Baarlamaanka ay kala ahaayeen,akhrinnada Koobaad ee Sharciyada Saxaafadda Dalka iyo Shaqaaleynta Ajnabiga.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo SHaqaalaha ee Dowladda Soomaaliya Mudane Cusmaan Libaax Ibraahin oo XIldhibaannada u khriyey sharcigan lagu shaqaaleynayo Ajnabiga ayaa tilmaamay in sharcigan uusan saameyn ku yeelan doonin Wakiillada iyo safiirrada dalalka caalamka ah u fadhiya magaalada Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isaguna XIldhibaannada Golaha Shacabka u horyimid Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Warbaahinta Dalka ayaa tilmaamay in sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay hormarinta iyo hagista saxaafadda Dalka islamarkaana uusan wax dhaqaalle miisaaniyad cusub ah uga baahneyn dhaqan gelintiisa Dowladda.

Markaasi kadib XIldhibaannada Baarlamaanku waxey bilaabeen iney soo jeediyaan tallooyin la xiriira xaaladda dalku marayo waxaana Xildhibaan Aweys C/laahi Ibraahim ka hadlay xiligan baahida loo qabo mushaaraadka shaqaallaha dowladda oo deg deg loo helo maadaama la gaaray bisha barakeysan ee Ramadaan islamarkaana ay shaqaallaha rayidka ah ee Dowladdu ku xeyndaaban yihiin darruufo kala gedisan.

Xildhibaan C/laahi Goodax Bare ayaa isaguna ka hadlay cabashooyinka ka imaanaya shacabka ee la xiriira viisooyinka dal ku galka ah ee ay dadka muslimiinta ku aadaan boqortooyada sacuudiga ah si ay u gutaan waajibaadka Xajka taasi oo ay dadka Soomaaliyeed si weyn ugu dhibtoodaan.

XIldhibaan Yuusuf Maxamed Cali ayaa isaguna ka hadlay soo jeedin ay Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka horey ugu gudbiyeen Guddoonka qaab mooshin ah derbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xuduudda ay la wadaagto dalkeenna.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari oo  ka hadlay gebagebadii kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa magaca Baarlamaanka ugu hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan waxaana uu ku booriyey Umadda iney isku gar gaaraan bishan oo la tabaaleeyo dadka masaakiinta ah.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyada Xisbiyada Siyaasadda,Hay’adda maareynta masiibooyinka iyo magacaabista ku xigeenka Habdhowraha oo loo magacaabay Mudane Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.

 

Previous Post

Madaxdii ka qayb gashay shir Jabuuti ku soo idlaaday oo ka hadashay {SAWIRRO}

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlay ansixinta dastuurka Mudug iyo Galgaduud {DHAGEYSO}

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ka barakacay Guriceel “SAWIRRO”

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlay ansixinta dastuurka Mudug iyo Galgaduud {DHAGEYSO}

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In