Friday, December 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo Muqdisho kulan ku yeeshay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Baarlamaanka ee manta oo ahaa Kalfadhiga 6aad, Kulankaasi 11aad waxaa shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayadoo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu goobjoog ka ahaa,waxaana Ajandayaasha Baarlamaanka ay kala ahaayeen,akhrinnada Koobaad ee Sharciyada Saxaafadda Dalka iyo Shaqaaleynta Ajnabiga.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo SHaqaalaha ee Dowladda Soomaaliya Mudane Cusmaan Libaax Ibraahin oo XIldhibaannada u khriyey sharcigan lagu shaqaaleynayo Ajnabiga ayaa tilmaamay in sharcigan uusan saameyn ku yeelan doonin Wakiillada iyo safiirrada dalalka caalamka ah u fadhiya magaalada Muqdisho.

Related posts

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isaguna XIldhibaannada Golaha Shacabka u horyimid Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Warbaahinta Dalka ayaa tilmaamay in sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay hormarinta iyo hagista saxaafadda Dalka islamarkaana uusan wax dhaqaalle miisaaniyad cusub ah uga baahneyn dhaqan gelintiisa Dowladda.

Markaasi kadib XIldhibaannada Baarlamaanku waxey bilaabeen iney soo jeediyaan tallooyin la xiriira xaaladda dalku marayo waxaana Xildhibaan Aweys C/laahi Ibraahim ka hadlay xiligan baahida loo qabo mushaaraadka shaqaallaha dowladda oo deg deg loo helo maadaama la gaaray bisha barakeysan ee Ramadaan islamarkaana ay shaqaallaha rayidka ah ee Dowladdu ku xeyndaaban yihiin darruufo kala gedisan.

Xildhibaan C/laahi Goodax Bare ayaa isaguna ka hadlay cabashooyinka ka imaanaya shacabka ee la xiriira viisooyinka dal ku galka ah ee ay dadka muslimiinta ku aadaan boqortooyada sacuudiga ah si ay u gutaan waajibaadka Xajka taasi oo ay dadka Soomaaliyeed si weyn ugu dhibtoodaan.

XIldhibaan Yuusuf Maxamed Cali ayaa isaguna ka hadlay soo jeedin ay Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka horey ugu gudbiyeen Guddoonka qaab mooshin ah derbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xuduudda ay la wadaagto dalkeenna.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari oo  ka hadlay gebagebadii kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa magaca Baarlamaanka ugu hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan waxaana uu ku booriyey Umadda iney isku gar gaaraan bishan oo la tabaaleeyo dadka masaakiinta ah.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyada Xisbiyada Siyaasadda,Hay’adda maareynta masiibooyinka iyo magacaabista ku xigeenka Habdhowraha oo loo magacaabay Mudane Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.

 

Previous Post

Madaxdii ka qayb gashay shir Jabuuti ku soo idlaaday oo ka hadashay {SAWIRRO}

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlay ansixinta dastuurka Mudug iyo Galgaduud {DHAGEYSO}

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ka barakacay Guriceel “SAWIRRO”

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlay ansixinta dastuurka Mudug iyo Galgaduud {DHAGEYSO}

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay Seejada Xarunta...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025
0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In