Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Soomaaliya oo guda galay daah-furka wajiga koowaad ee dib u eegista Dastuurka KMG

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa maanta ka qeyb galay kulan lagu soo bandhigayay daah furka qodobo ka mid ah dastuurka KMG ah ee dalka oo wax ka badal lagu sameeyay.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay guddoomiyeyaasha baarlamaanada maamul gobolyeedyada dalka iyo xubno ka tirsan ururrada Siyaasadeed ee dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026

Dib u eegstaan lagu sameeyey qayb ka mid ah dastuurka KMG ah ayaa waxaa ka soo shaqeyey gudiga madax banaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga baarlamanaka u qabilsan Arrimaha dastuurka dalka oo ka shaqanaya Wasaaradda dowladda ugu xilsaaran arrimaha   Dastuurka.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay munaasbadda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in caasimadda Soomaaliya lagu qabto xaflad ceynkan oo kale ah.

Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee Barkamaanka Soomaaliya ayaa munasada ku soo bandhigtay qaybaha ay wax ka badalka ku sameyeen, iyadoo qodobada wax laga bedalay ay ka kala yihiin

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Xuseen ayaa xusay in qodobada dastuurka ee aan lagu samayn dib u eegista ay yihiin kuwa u baahan wada tashi lala yeesho maamul goboleedyadda dalka, dhawanna ay bilaabi doonaan wada tashigaasi.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali oo ka hadlay munasabadda ayaa cadeeyey in Xukuumadda Soomaaliya ay ahmiyad weyn siin doonto sidii dastuurka dalka loo gaarsiin lahaa in shacabka ay codkooda ku meel mariyaan si uu u noqdo dastuurka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha barlamaanka ahna Kusimaha Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ugu dambeyntii ka hadlay munaasabadda daafurka dastuurka dalka ayaa tilmaamay in maanta golaha shacabka Soomaaliyeed ay u tahay maalin weyn oo ay wada sugayeen.

Cutubyadaan lagu sameeyey dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalka ayaa wax yaabaha ugu muhiimsan laga xusi karo ee wax laga badalay ka mid ah in lagu cadeeyey in magaalo madaxda dalka ay tahay Muqdisho, ayna noqonayso magaalo leh maamul u gaar ah, isla markaana aysan ku biiri karin maamul kale, magaca loogu yeeri karo maamul goboleedyadda oo horay dastuurka ugu qornayd dowladaha xubnaha ka ah Federaalka , balse hada waxa laga dhigay, dowlad goboleedyadda Soomaliya, heesta Astanta Qaranka oo haray ugu qornayd in ay tahay “Qolabaa calankeedu’, balse hadda waxaa laga dhigay heesta Astaanta Qaranka “Soomaaliyeey Toosoo”, dhamaan dowladda goboleedyaduna ay Adeegsan doonan.

Sagaalka qodob ee dib u eegista lagu sameeyay ayaa kala ah qodobada 1aad, 2aad, 4aad, 5aad, 10aad, 12aad, 13aad, 14aad iyo 15aad kuwaasi oo u badan dhanka farsamada ah.

 

 

 

Previous Post

Deegaanka Caad oo qasaare nafeed loogu geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab

Next Post

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo dhagax dhigay waddo muhiim ah oo dib u dhis lagu sameynayo

Next Post
Gudoomayahiii Gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday, iyo Gudoomiye cusub oo la magacaabay

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo dhagax dhigay waddo muhiim ah oo dib u dhis lagu sameynayo

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026
0

Akhriatayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna. Halkan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

February 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Ha’yadda (NAP Global Network) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In