Wednesday, November 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baashe Xoosh Jabriil oo u geeriyooday dhaawac ay burcad Turkish ah u geysatay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Baashe Xoosh Jabriil oo u geeriyooday dhaawac ay burcad Turkish ah u geysatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Baashe Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed ayaa maanta u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar ay 6-dii bishaan December ku qaadeen seddax nin oo burcad ah Turkish ah, xilli uu ku sugnaa goob dalxiis oo ku taalla degmada Beyoğlu ee bartamaha magaalada Istanbul.

Warhaainta dalka Turkiga ayaa soo bandhigtay muuqaallo muujinaya qaabkii loo fuliyey weerarkaas. Waxayna kaamiraduhu qabteen ragga burcadda ah oo gadaal uga yimid marxuumka, kadibna mid ka mid ah ayaa Feer qoorta kaga dhuftay, dhulka ayuuna ku dhacay Baashe, isagoo halkaas ku miyir daboolmay, sida ay warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta.

Related posts

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

November 19, 2025
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Muqdisho ka furay Shirka Garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Muqdisho ka furay Shirka Garsoorayaasha Soomaaliyeed.

November 19, 2025

Burcadda ayaa baaratay Baashe oo dhulka yaalla, waxayna ka qaateen talefano, boorso iyo agabyadii kale ee uu watay, waxayna ku baxsadeen gaari Taxsi ah, balse booliska ayaa ku guuleystay in uu soo qabto.

Xogaha laga baahiyey dhacdadaan waxay intaas ku darayaan in seddaxdii burcada aheyd deg deg loo hor-geeyey maxkamad, isla markaana labo ka mid ah oo ka yaraa da’aadda 18-sano lagu soo oogay dacwad xatooyo, halka ninka 3-aad ee feeray Baashe lagu soo oogay inuu geystay dil bareer ah.

Marxuum Baashe Xoosh Jabriil waxuu ahaa Aabe deganaa magaalada Todonto ee dalka Canada oo uu dhalashadiisa labaad ka heystay, waxuuna Istanbul u tegay dalxiis.

Allaha u naxariistee Baashe Xoosh Jabriil waxuu ahaa walaalkii ka yaraa wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo isna 8-dii Maarso 2019-kii ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Previous Post

Sawirro: Galmudug oo ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Kaxandhaale

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Warka Subaxnimo

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

November 19, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Muqdisho ka furay Shirka Garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Muqdisho ka furay Shirka Garsoorayaasha Soomaaliyeed.

November 19, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa saaka magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Garsoorayaasha Soomaaliyeed, kaas...

Wasiirka Hawlaha Guud ee DFS oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya.

Wasiirka Hawlaha Guud ee DFS oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya.

November 19, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo safar shaqo ku jooga...

Wasiirka Haweenka oo Golaha Aqalka Sare ka hor jeedisay muhiimadda Guddiga Xuquuqul Insaanka.

Wasiirka Haweenka oo Golaha Aqalka Sare ka hor jeedisay muhiimadda Guddiga Xuquuqul Insaanka.

November 19, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hortimid mudanayaasha Golaha Aqalka Sare, iyadoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In