Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Badqabka online-ka: Masuuliyad Wadareed ay Sharaf u Tahay TikTok inay Muhiimadda siiso

ย Ka wada shaqaynta xaqiijinta in bulshada Soomaaliya ay helaan Badqab Loo Dhan Yahay #WadajiraaBadqaba

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 27, 2023
in Wararka
0
ย Digital Safety: A Shared Responsibility TikTok is Proud to Prioritise
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ayadoo dhawaan ay qabatay taxaneyaasha aqoon kororsiyada, TikTok ayaa aqoonsan in Badqabkuย  uu muhiimadda koowaadย  u yahay bulshada ku dhaqan Soomaaliya waxaanaย  aaminsanahayย  in wada shaqeyntu ay aasaas u tahay ilaalinta Badqabka aapp-ka .

TikTok ayaa soo qabanqaabisey mashaariicย  badan ee lagu xaqiijinaayo badqabka online-ka , oo ay ka midtahay cusbooneysiin balaaran oo lagu sameynaayo Tilmaamaheeda Bulshada. Kuwaani waa xeerarka iyo heerarka ka qayb noqoshada bulshada isticmaasha TikTok, kuwaasoo qabanaaya qof kasta iyo wax kasta oo aalada ku jira. Ayadoo lagu saleynaayo falcelinta ka timid isticmaaleyaasha iyo wada tashi aan la samaynay in ka badan 100 ururrada khibrada leh ee daafaha caalamka. Cusbooneysiintaan ayaa hormarisay dedaalka aaladu gelinayso hufnaanta ayadoo siinaysa qof kasta xog ku saabsan xeerarka badqabka iyo sida TikTok u dhaqan gelinayso.

Related posts

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

September 17, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025

“Waxaa sharaf noo ah inaan dhaqan gelinay cusbooneysiinta Tilmaamaha Bulshada, anagoo siinayna bulshadeena hufnaan dheeri ah oo ku aadan xeerarkeena iyo sida aan u fulino. Waxaa loo baahanyahayย  in dadka dhan ka wada shaqeeyaan si loo difaaco amaankooda online-ka , marka waxaan uga mahad celinaynaa qof kasta oo kamid ah isticmaaleyaasha TikTok iyo dhammaan khubarradaย  ee doorka ka qaatay siina wada inay naga caawiyaan hormarinta xeerarkeena iyo ka hortaga khataraha imaan kara.”, ayuu yiri Kevin Morgan, Madaxa Kalsoonida iyo Badbaado, EMEA.

Si loo xaqiijiyo hufnaan joogto ah, TikTok ayaa faafisay warbixinnada saddexdii biloodba mar lasoo saaro ee Dhaqan Gelinta Tilmaamaha bulshada oo laga heli karo Xarunta Hufnaanta, taasoo faahfaahinaysa talaabooyinka la qaaday si looga hortago waxyaabaha lagu faafiyo TikTok oo xadgudubka ah.

Rubuca 4aad ee 2022 (Warbixinta lasii Daayay Maarso 31, 2023), TikTok ayaa barteeda ka saartay 85.68ย  milyan oo muuqaalย  u dhiganta 0.6%ย  dhammaan muuqaallada lasooย  geliye aalada. Isla waqtigaas, TikTok ayaa hawada ka saartay in ka badan 280,000ย  muuqaalloย  oo jebiyay xeerarka adeegga ee Soomaaliya, halka 98.7% kamid ah muuqaallada xeerarka jebiyay la aqoonsaday lana tiray kahor intaan lasoo sheegin.

Shaqada badqabka keligeen ma xaqiijin karno. Wada shaqeyntaย  aaladahaย  online-ka ah iyo laamaha sharciga eeย  dawladaha ayaa muhiim u ah xaqiijintaย  badqabka isticmaaleyaasha.

Asagoo adkaynaaya muhiimada wada shaqeyntu u leedahay xaqiijinta in bulshadu hesho Badqab Loo dhan yahay, Maareeyaha Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ) ee Somaaliya , Md.Mustafa Y. Sheikย  ayaa sheegay: “Laamaha sharciga ee qaranka iyo Hayโ€™addaIsgaarsiinta Qaranka ( HIQ) ee Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka ciyaara xaqiijinta in aaladaha sida TikTok ay amaan ku helaan dhammaan isticmaaleyaasha.ย  Waxaan muhiimad siinaynaa wada shaqeynta u dhexaysa TikTok iyoย  Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee xaqiijinta in isticmaaleyaasha aaladu ay aqoonsadaan ayna adeegsadaan farsamooyinka si ay uga caawiso kahortaga waxyaabaha khatarta badan, gaar ahaanna waxyaabaha dhiiri gelinaaya argagixisada iyoย  fallaka sharci darrada ah.ย 

Waxaan aqoonsan nahay aana uga mahad celinaynaa TikTok bilaabista barnaamijyada wacyigelinta isticmaaleyaasha ku nool Soomaaliya ayadoo adeegsanaysa hal-kudhiggeeda #WadajiraaBadqaba, cusbooneysiinta qaybahaย  badqabka iyo cusbooneysiinta Tilmaamaha Bulshada. Marki aan si wadajir ah u wadaย  shaqeyno waxaan abuuri karnaa,ย  dadkana bari karnaa talaabooyinka badqabka ee ku habboon dhammaan da’aha kaladuwan,ย  iyo in aan kaย  difaacno isticmaaleyaasha khatarta islamarkana ilaalinayna waxyaabaha wacyi gelinta iyo hal abuurka leh kuwaasooย  ixtiraamaya dhaqanka, mabaadii’da, iyo caadooyinka bulshadeena.”

TikTok waxaa keliya isticmaali kara dadka jira 13 sano iyo ka wayn, aalada ayaana suuragelisay sugida badqabkaย  bulshada daโ€™yarta ayadoo si joogto ah u casriyeysa qaybaha sida:

– Wadaagga Qoyska oo u sahlaaya waalidiinta ama masuuliyiinta inay ciwaankooda Tiktok ku xiraan ciwaannada dhalintooda ayna maamulaan qaybaha kaladuwan eeย  badqabka iyo habeynada asturnaanta(safety & privacy settings)ย  – ayna ku jiraan inay doortaan in ciwaanku noqdo mid dadwayne ama mid gaar ah, cida faallo ka bixin karta muuqaaladooda, iyo mudada ay ku qaadanayaan TikTok maalin kasta.

– TikTok waxay ka xanibaysaaย  bulshada daโ€™yarta inay galaan qaybaha qaar. Tusaale, ciwaannada dhalinta da’aha 16 iyo ka yar ma adeegsan karaan Farriimaha Tooska ah, halka ciwaannadaย  bulshada da’aha ka yar 18 sano aysan geli karin LIVE.

– Si loo caawiyoย  bulshada daโ€™yarta oo ka yar 18 sano inay yeeshaan dabeecadahaย  online-ka oo wanaagsan, Tiktok ayaa dhawaan dejisay waqtiga isticmaalka shaashada aalada oo ah 60 daqiiqo keliya maalintii.

Arimaha badqabkaย  bulshada guudย  ayaa sidoo kale muhiim ah, TikTok na waxay abuurtay adeegyo kaladuwan oo ka caawinaaya bulshada maamulida khibradoodaย  aapp-ka ayagoo adeegsanaaya qaybaha soo socda:

  • ย Habeynada Asturnaanta(privacy settings): Ayadoo la adeegsanaayo qaybahaan, isticmaaleyaasha ayaa awooda inay go’aansadaanย  ciddaย  raaci karta iyo cidda ay ku macaamilayaan ciwaankooda; halka ciwaannada ay leeyihiin 13-15 jirada asturnaanta asal noqoto .
  • Kala hufida faalooyinka:ย  TikTok waxay abuurtay sifooyin noocyo badanย  ee faalooyinka,ย  oo u sahlaaya isticmaaleyaasha inay doortaan faalooyinka ay doonayaan inay ku arkaan muuqaaladooda, waxay ku xirayaan erayo gaar ah oo ay doonayaan in laga saaro faalooyinkooda, iyo inay soo sheegaan, tiraan ama xanibaan ilaa 100 faalooyin iyo ciwaanno halmar.
  • Qaybta warbixinta isticmaalaha: Qaybtaan waxay u sahlaysaa isticmaaleyaasha inay si qarsoodi ah u sooย  dacweeyaan waxyaabaha anshax darada ah ama fal ay ku arkaan aalada, si TikTok ay uย  baarto ayna u tirto haddiiย  u jebinayo Xeerarkeena Bulshada. Talaabadaan waxay sii adkaynaysaa muhiimadda wada shaqaynta iyo ka saarida aalada waxyaabaha kasoo horjeeda Xeerarka Bulshada.

TikTok waxay ku dhaqantaa masuuliyada ka saaran hormarintaย  adeeg badqab leh ee aaladeeda iyoย  hubinta khibrad kalsooni leh isticmaaleyaasheeda oo dhan. Maadaama ay tahay aalad madadaalo oo sii balaaranaysa, TikTok ayaa balan qaadeysa inay si heegan ah uga shaqeyso kor u qaadista khibrada aaladaha casriga ah ee bulshada.

Si aadย  u heshid xog dheeri ah oo ku sabsan tilmaamaha amaanka ee TikTokย  oo ay sameeyeenย ย  hal-abuurada TikTok ee Soomaalida ah, booqo hal-kudhigga #WadajiraaBadqaba ee gudaha aapp-kaย  iyo XaruntaBadqabka ee TikTok

Previous Post

ย Digital Safety: A Shared Responsibility TikTok is Proud to Prioritise

Next Post

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka “SAWIRRO”

Next Post
Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka “SAWIRRO”

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka "SAWIRRO"

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In