Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Bahda saxafadda oo qado sharaf u sameeyay cayaartoyda 11-jirada Soomaaliya ”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 22, 2016
in Ciyaaraha, Wararka
0
Bahda saxafadda oo qado sharaf u sameeyay cayaartoyda 11-jirada Soomaaliya ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shabakadda Wararka Kulmiye iyo Bahda Saxaafadda ayaa maanta si wadajir  ah magaalada Muqdisho xaflad qado sharaf ah ugu sameeyay Cayaartoyda 11-jirada Soomaaliya ku matalayay Koobkii Iskuulada Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay magaalada Doha ee Dalka Qatar.

Xafladda ayaa waxaa Goobjoog ahaa Bahda Saxafadda, Cayaartooy hore, Macalimiinta Da’yarta maanta xafladda loo dhigay, Maamulka Iskuulka ay ka socdeen iyo waliba Cayaartooyada Da’yarta ah oo wajiyadooda ay farxad ka muuqatay.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Mas’uuliyiintii magaca bahda Saxafadda ku hadlay waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Tv-ga Horn Cable ee Muqdisho C/qaadir Maxamed Faarax Dulyar, Agaasimha Tv-ga Somali Chanel C/risaaq Jaamac Cilmi Black iyo Wakiilka Wakaalada Wararka AP Faarax Cabdi Warsame Faarax AP, kuwaasi oo dhamantood bogaadiyey guulaha ay Qaranka u soo hooyeen Cayaartooyda Da’yarta ah.

Agaasimaha Radio Kulmiye Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa ugu horeyn geesiyaasha 11-jirada ah ugu Hambalyeeyay Guulihii ay soo hooyeen iyo sida ay u ilaaliyeen magaca Ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu ku dhiiri geliyay Cayaartooyda Da’yarta ah in ay sii wadaan dadaalada nuucaan oo kale ah islamarkaana ku tilmaamay Jiil u soo baxay Soomaaliya Mustaqbalkana matali doona Qaranka Soomaaliya.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA C/raxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa tilmaamay in dhallinyaradan ay mudanyihiin soo dhaweynta intan ka badan, waxaana uu ku baaqay in si wada jir ah ay bulshada ugu istaagto dhiiri gelinta da’yarta 11-da dalkeena ee magaca ka soo hooyey tartankii lagu qabtay dalka Qatar.

Dhanka kale waxaa halkaa Shahaadooyin Dhiiro galin ah lagu Guddoonsiiyay Dhamaan Cayaartooydii, Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulka Muqdisho.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15

Sawir Qaade:- C/llaahi Suldaan

 

 

 

Previous Post

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka furay mashruuc waxtar u leh bulshada “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhacdadii garoonka Jomo Kenyatta+War-saxaafadeed

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhacdadii garoonka Jomo Kenyatta+War-saxaafadeed

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In