Thursday, September 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bakoortii Guddoomiye Maddaale, bilowgii dagaalka Maandooriyaha (Warbixin).

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 20, 2023
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maandooriyuhu waa halis weyn oo khatar ku ah amniga,dhaqankeenna iyo Diinteenna suuban.

Qaar badan oo ka mid ah Bulshadeennu haba ugu badnaadaane Dhallinyarada ayay mustaqbal tireen noocyada kala duwann ee Maandooriyaha.

Related posts

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

September 4, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

September 4, 2025

Dowladda Soomaaliya oo ka duuleysa waajibaadka ka saaran badbaadinta dadkeeda iyo wax kasta oo khatar ku ah amniga, dhaqanka iyo Diinta ayaa qaadatay go’aan culus, kaas oo looga hortagayo maandooriyaha halista ah.

” Mushkilad kasta oo ka jirta Baladkan waxay salka ku haysaa maandooriyaha,runtiina waa sida aad la socotaan umu khabaai’th waaye qamriga, maandooriyaha iyo wax kasta maanka dooriya waa wax kasta oo ummadda dib u dhiga,kulmaa qofka maankiisu tago wuxuu doono ayuu sameynayaa,” ayuu yiri taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Intaas ka dib, ciidamada ammaanka iyo maamulka gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa qaaday tallaabooyin lagu wajahayay isticmaalka maandooriyaha.

Howlgalka lagu qaaday goobaha lagu isticmaalka, goobo lagu qarinayay iyo meelo badan oo laga soo dejiyo ayaa lagu qabtay noocyo maandooriye halis ah oo lagu qarinayay guryo ku yaalo caasimadda.

Sidoo kale, waxaa la xayiray hotelo iyo goobo kale oo lagu nasto, kuwaas oo Dhallinyaro badan ay u tegi jireen in ay isticmaalaan maandooriyaha.

” Waxaa socda habeenkii labaad howlgalkii guddoomiyaha gobolka Banaadir uu hoggaaminayay oo lagu tegaayay goobaha magaalada iyo shacabka Soomaaliyeed intaba muddo dheer ay ka sheeganayeen culeysna ay ku hayeen dhallinyaro badan oo kala duwan oo isugu timaado, kuwaas oo isticmaala maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, ” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Mr. Yabooh.

“Runtii, xumaanta haddii aan lala wada dagaallamin fasahaadka waa nagu sii xoogeysanayaa, kulligeenna mas’uuliyad ayaa naga wada saaran, waxaanna rajeyneynaa maalin maalmaha ka mid ah inaan gaari doono,iyadoo la laga suulay magaalada calaqa iyo waxyaanahan mukhaadaraadka ah,” ayuu yiri guddoomiysha gobolka Banaadir Yuusuf Maddaale.

Sidoo kale, Dowladda waxay tallaabo u qaaday ciidanka ammaanka, kuwaas oo gabi ahaanba laga mamnuucay isticmaalka maandooriyaha.

” Adduunyada dhan Gaal iyo Islaamba xashiish mamnuuc ayuu ka yahay, war annaga ciidanka ahayn haddii aan xashiish cabno oo waddada la taagan nahay calaq,ciidan waaye-na nala leeyahay, canshuurta ummadda Soomaaliyeed laga qaaday hooyooyinka suuqa la fadhiya Yaanyada laga qaaday ee inta mushaar lagaaga dhigay ee ciidanna aad noqotay, waa fahamteenna umaleynaa, calaqna aad cabtid, amarna aadan qaadan oo xashiisheysi aad noqotid ciidanka aad ka mid noqotid , taas ma suurta galeysee ogow,” ayuu ciidanka kula dardaarmay taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Ma jiro askari ka tirsan ciidanka ammaanka oo jidka taagan ama howlgal ku jira oo isticmaali karaa nooc kasta oo ka mid ah maandooriyaha, waxaanna sidoo kale, shaqada looga ruqseeyay askar ka tirsan ciidamada amniga oo isticmaalka maandooriyaha ku guda jiray.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi ayaa sheegay in aan jirin askari ka tirsan hay’adaha amniga oo loo ogol yahay isticmaalka maandooriyaha.

” Askari ka tirsan ciidamada amniga oo loo ogol yahay inuu maandooriyo isticmaalo ma jiro, sidaad la socotaan qofka bini-aadamka ah afka inuu soo tirtuu wuxuu ku leeyahay aniga ma isticmaaleyn ma arag iyo igama muuqan, waxaan wadnaa qorshaha ah in jirkooda laga baaro, qofkii lagu arkaanna in hay’adaha ammaanka laga saaro,”

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in gacantiisa uu ku eryay 32-askari oo ka tirsan ciidanka asluubta, kuwaas oo lagu helay isticmaalka maandooriyaha loo yaqaano ” Xashiishka”.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay Dowladda, tallaabada ay u qaadday ciribtirka waxyaabaha maanka dooriyaha, iyagoo ugu baaqay in la sii wado howlgallada ka dhanka ah maandooriyaha halista ku ah amniga,dhaqanka iyo Duinteenna suuban.

Previous Post

Xubno ka socda Banka dhexe ee Soomaliya oo shir uga qayb galay dalka Moroco

Next Post

IMF oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka (ECF) ee deyn Cafinta Soomaaliya

Next Post
IMF oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka (ECF) ee deyn Cafinta Soomaaliya

IMF oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka (ECF) ee deyn Cafinta Soomaaliya

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

September 4, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, oo ka qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

September 4, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal...

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

September 3, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib u Dhiska ayaa xarunteeda ku martigelisay kulan muhiim ah oo wada-tashi ah, kaas oo...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan

September 3, 2025
0

Howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In