Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baladweyne: dagaal xilligaan ka socda magaalada iyo Fatahaadii wabiga oo sii xoogeysatay.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Baladweyne: dagaal xilligaan ka socda magaalada iyo Fatahaadii wabiga oo sii xoogeysatay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan waxa ay sheegayaan in caawa galbeedka magaalada uu ka socdo dagaal xoog leh oo u dhexeeya maleeshiya beeleedkii maalmahaan halkaas ku dagaalamayay kuwaas oo maqribadii kadib uu dagaalkoodu dib u billaawday,

Dadka magaalada oo aan qaarkood goordhaw la xiriiri waxa ay sheegayaan in dhawaqa rasaasta ay si xoog leh uga maqlayaan xaafadda Howl wadaag ee galbeedka magaalada halkaas oo ah meesha ay maleeshiyo beeleedka wada dagan yihiin.

Related posts

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

February 18, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

February 18, 2026

Ciidamada amissom iyo kuwa dowladda ayaa hadda wada dhaq dhaqaaqyo u muuqdo mid lagu kala dhax galaayo maleeshiyaadka dagaalamaayo.

Dhinaca kale waxaa wali magaalada ka taagan fatahaadii uu wabiga shabeela ka sameynayay gudaha magaalada baladweyne oo qayba kala duwan uu ka maro magaalada baladweyne.

Dadka magaalada intiisa badan magaalada waa ay ka barakeceen, waxay ku sugan yihiin aqalo cooshado ka sameysay oo ay ka dhisteen duleedka magaalada, waxeyse maqlayaan meeshii ay gargaar filayeen dagaal u dhexeen dadkii u gurman lahaa qaarkood.

Sidoo kale dad ka qaar ayaa iyaguna wali ku go’doonsan gudaha magaalada gaar ahaan goobaha lagu dagaalamayo, waxeyna dhinac ka baqayaan in fatahaadaha biyaha soo gaaraan, halka dhinaca kalana ay xabad iyo dhawaqeeda ay la soo darastay.

Ugu dambeyn, waxaa ka socda magaalada dadaalo la doonayo in lagu kala dhax galo maleeshiyaadkaas dagaalamaya hase yeeshee waxa ay u muuqataa kuwa aan caga badan ku taagnayn maxaa yeelay wali dagaalka ayaa socda, xabaduna way dheceysaa.

Illaah ayaa u maqan dadka magaaladaas ku nool, waxeyse ku sugan yihiin xaalad aan la qiyaasi Karin xanuunkeeda, waxeysa ahayd in ay dareemaan maleeshiyaadka dagaalamayo dhibaatada haysata walaalahooda ay fatahaaduhu haystaan.

Previous Post

Shirka mideynta dowladaha hoose oo Cadaado lagu soo gaba-gabeeyay

Next Post

Baarlamaanka oo mar kale ka doodi doona sharciga doorashada dadban

Next Post
Baarlamaanka oo Warbixin maanta ka dhageysanaya Guddiga Arrimaha Dibadda

Baarlamaanka oo mar kale ka doodi doona sharciga doorashada dadban

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

February 18, 2026
0

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan u dhexeeyay safiirrada dalalka Carabta ee fadhigoodu yahay Koonfur Afrika iyo...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

February 18, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska Guud ee Ciidanka...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

February 18, 2026
0

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

February 18, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay saacadaha shaqada inta lagu jiro bisha barakeysan ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In