Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ban-ki Moon oo soo dhaweeyay go’aankii madasha wadatashiga qaran

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo xoojineyso taageerada AMISOM ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku bogaadiyey Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada heshiiski ay shalay ka gaareen habka lagu soo dhisayo baarlamaanka cusub ee dalka uu yeelan doono sanadkaan 2016.

Afhayeen u hadlay Jimciyada Qurumaha ka dhaxeyso oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in UN-ka ay si gaar ah ugu riyaaqeen go,aanka ah in kuraas fiican ay ku yeelan doonaan labada aqal haweenka iyo kooxaha laga tirada badanyahay ee dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa quddbad uu ka hor aqriyey kulan ay maanta oo Khamiis ah magaalada New York ku yeesheen Golaha Amaanka ee QM waxa uu kaga warbixiyey xaalada Soomaaliya, gaar ahaan natiijadi kasoo baxday kulamadi ay madaxda dalka kaga tashanayeen sida laga yeelayo nidaamka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doono sanadkaan 2016.

Wuxuu sheegay in la isku raacay in baarlamaanka oo ah aqalka hoose uu ka koobnaan doono 275 mudane, isla markaana lagu saleyn doono qaacidada uu hadda ku dhisanyahay ee ah 4.5. Waxa kale oo uu intaasi raaciyey in la sameyn doono aqalka sare oo ka koobnaan doono 54 xubnood oo lagu saleyn doono wakiilo ka kala imaan doono maamulada gobollada.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa loo reebay kuraas wax yar ka badan maamulada kale ee federaaliga ah.

“Tani waa mirihi kasoo baxay ku dhawaad lix bilood oo ay socdeen latashiyo adag, waxaa laga yaabaa in ay noqoto barti isbadalka dalka Somalia isla markaana ka dhigta koritaankii siyaasada Dowlada Federaalka.” ayuu yiri Mr. Keating.

Kadib rajadi xooga laheyd ee kasoo bidhaantay Somalia sanadki 2012-ki ayey diblamaasiyiin badan niyesteen in dalka uu gaari doono 2016-ka doorasho hal qof iyo hal cod ah, hase yeeshee horumarkaas waxaa xagal daaciyey weeraro isdaba joog ahaa oo ay Al Shabab ka fuliyeen dalka iyo qalalaaso siyaadeed oo ay bar bar socdeen musuqmaasuq.

Bisha September ee soo aadan ayaa lagu wadaa in ay Somalia ka dhacdo doorashada madaxweynaha, hase waxaa ka horeyn doona doorashada aqalka hoose iyo tan aqalka sare.

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Darjire Cabdulaahi Siciid Cusmaan

Next Post

Haweeney Pakistaan ah oo 35 sano kadib ogaatay in uu aabaheed Sacuudiga u dhashay

Next Post
Haweeney Pakistaan ah oo 35 sano kadib ogaatay in uu aabaheed Sacuudiga u dhashay

Haweeney Pakistaan ah oo 35 sano kadib ogaatay in uu aabaheed Sacuudiga u dhashay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In