Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ban-ki Moon oo soo dhaweeyay go’aankii madasha wadatashiga qaran

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo xoojineyso taageerada AMISOM ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku bogaadiyey Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada heshiiski ay shalay ka gaareen habka lagu soo dhisayo baarlamaanka cusub ee dalka uu yeelan doono sanadkaan 2016.

Afhayeen u hadlay Jimciyada Qurumaha ka dhaxeyso oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in UN-ka ay si gaar ah ugu riyaaqeen go,aanka ah in kuraas fiican ay ku yeelan doonaan labada aqal haweenka iyo kooxaha laga tirada badanyahay ee dalka.

Related posts

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa quddbad uu ka hor aqriyey kulan ay maanta oo Khamiis ah magaalada New York ku yeesheen Golaha Amaanka ee QM waxa uu kaga warbixiyey xaalada Soomaaliya, gaar ahaan natiijadi kasoo baxday kulamadi ay madaxda dalka kaga tashanayeen sida laga yeelayo nidaamka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doono sanadkaan 2016.

Wuxuu sheegay in la isku raacay in baarlamaanka oo ah aqalka hoose uu ka koobnaan doono 275 mudane, isla markaana lagu saleyn doono qaacidada uu hadda ku dhisanyahay ee ah 4.5. Waxa kale oo uu intaasi raaciyey in la sameyn doono aqalka sare oo ka koobnaan doono 54 xubnood oo lagu saleyn doono wakiilo ka kala imaan doono maamulada gobollada.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa loo reebay kuraas wax yar ka badan maamulada kale ee federaaliga ah.

“Tani waa mirihi kasoo baxay ku dhawaad lix bilood oo ay socdeen latashiyo adag, waxaa laga yaabaa in ay noqoto barti isbadalka dalka Somalia isla markaana ka dhigta koritaankii siyaasada Dowlada Federaalka.” ayuu yiri Mr. Keating.

Kadib rajadi xooga laheyd ee kasoo bidhaantay Somalia sanadki 2012-ki ayey diblamaasiyiin badan niyesteen in dalka uu gaari doono 2016-ka doorasho hal qof iyo hal cod ah, hase yeeshee horumarkaas waxaa xagal daaciyey weeraro isdaba joog ahaa oo ay Al Shabab ka fuliyeen dalka iyo qalalaaso siyaadeed oo ay bar bar socdeen musuqmaasuq.

Bisha September ee soo aadan ayaa lagu wadaa in ay Somalia ka dhacdo doorashada madaxweynaha, hase waxaa ka horeyn doona doorashada aqalka hoose iyo tan aqalka sare.

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Darjire Cabdulaahi Siciid Cusmaan

Next Post

Haweeney Pakistaan ah oo 35 sano kadib ogaatay in uu aabaheed Sacuudiga u dhashay

Next Post
Haweeney Pakistaan ah oo 35 sano kadib ogaatay in uu aabaheed Sacuudiga u dhashay

Haweeney Pakistaan ah oo 35 sano kadib ogaatay in uu aabaheed Sacuudiga u dhashay

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

October 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda ku qaabilay George Conway, Ku-xigeenka...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

October 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta xarig-jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, oo lagu qabtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In