Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banaan bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Banaan bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay magaalada Boosaaso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeeday af-lagaaddadii wargeyska Charlie Hebdo uu u geystay nabigeenna Muxammad (N.N.K.H) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Isu soo baxaan ayaa waxaa ka qeybgalay culimaa’udiin iyo qeybaha kale ee bulshada, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo ay kaga soo horjeedaan Wargeyska Charlie Hebdo, waxaana ay isugu yimaadeen garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay dibad baxa ayaa sheegay inay ka xunyihiin sawir-gacmeedkii lagu af-lagaadeeyay nabigeena Muxammed (N.N.K.H), iyagoo ugu baaqay umadaha Muslimiinta ah inay si wadajir dareenkooda uga muujiyaan gafka loo geystay nabigeena Muxammad (N.N.K.H), ayna sameeyaan dibad baxyo ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo ee ka soo baxa dalka Faransiiska.

Dadkii ka hadlay dibad baxa ayaa yiri “Dibad baxaan waxa uu ka turjumayaa aflagaaddii uu wargeyska Charlie Hebdo u gesytay Nabigeenna Muxammaed (N.N.K.H), mana ogolaan doono in Wargeysyo lagu aflagaadeeyo Nabigeenna, mana u dulqaadan karno, teeda kale waan cambaareyneynaa dadkii ku taageeray in Wargeyska Charlie Hebdo uu aflagaado u geysto Nabigeenna Muxammad (NNKH)”.

Culimada Gobolka Bari ayaa dunida Islaamka , gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay u istaagaan sidii ay u muujin lahaayeen dareenkooda ku aadan gafka loo geysey Nebi Muxammad (N.N.K.H).

Dibad baxyo kale oo lagu cambaareeyay af-lagaaddada lagula kacay nabi Muxammad (N.N.K.H) ayaa lagu qabtay Gobollada Benaadir, Baay, Galgaduud, Nugaal, Mudug, Bari iyo meelo kale, kuwaasi oo dadkii isugu soo baxay ay si wada jir ah u cambeereeyeen falkaasi.

Previous Post

Maamulka degmada Balcad oo agab isboorti guddoonsiiyay xiriirka kubadda cagta ee degmadaasi

Next Post

Allaha u naxariisto Dr Xuseen Kadare oo ku geeriyooday Muqdisho

Next Post
Allaha u naxariisto Dr Xuseen Kadare oo ku geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariisto Dr Xuseen Kadare oo ku geeriyooday Muqdisho

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In