Kumanaan dadweyne ah oo isugu jira Culimaa’udiinka, Maamulka, Haweenka, Ardaday dugsiyada oo banaanbaxa roobdoonka ah. Isku soo baxa kadib waxaa salaada roobdoonka lagu tukaday garoonka kubada cagta Dr Waaberi ee Magaalada Xuddur.
Culimaa’udiinka iyo Maamulka oo goobta banaanbaxa joogay ayaa bulshada fartay in la iscafiyo alle loo tooba keeno qof kastane nafsadiisa ku qiro inay dambiile tahay si naxariista rabbi loo helo, Culimaa’udiinka ayaa ku dheeraaday duco dadka iyo dalka alle uga baryeen amni iyo barwaaqo.
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada xuddur ayaa bulshada ugu celceliyey inay daacad ka ahaato Iscafinta iyo nagaashada alle loo noqdo.Waa markii labaad oo muddo bil ka yar banaaxbax roobdoon iyo alle bari lagu qabto magaalada xuddur waxana ugu wacay biyo la’aanta, jirta kuleel aad u daran oo dhacaya, iyadoona lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan ee dhammaan lawada sooman yahay.