Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banbax-howled u dhaxeeya hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Banbax-howled u dhaxeeya hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay Banbax-howleed (Retreat) wadajir ah oo u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Banabax-howleedkan wadajirka ah ee maanta furmay ayaa waxaa ugu horeyn ujeeddadiisa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr, waxuuna sheegay in kulankan uu muhiim u yahay seddexda hay’ad maadaama waqtigii loo qabtay dhameeystirka dastuurka uu gebo-gebo marayo.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Muumino Sheekh Cumar oo ah Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa sheegtay in ka guddi ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin ka qaybgalka kulankan, waxaa kale oo ay xustay in gudigga madaxbanaan uu shirka ku soo bandhigi doono waxqabadkiisa iyo waxa u qorsheysan.

Dhanka kale Senator Cabdiqaybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlay sidii howlaha masiiriga ah ee dastuurka dhameystirkooda guul looga gaari lahaa.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo Banbax-howleedka furay ayaa yiri “waxaa naga go’an hadaanu nahay seddexdan hay’ad in howlaha dastuurka aysan iska noqon arrimo iska furan oo ah mashruuc la iska quuto, waxaan dooneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan loo dhameystiro dastuurka; kulankan inoo furmay waxa aan uga doodeynaa sidii arrimaha ayaaha dambe ee dadka Soomaaliyeed raad ku yeelan doona ee dastuurka ku jira loo dhameystiri lahaa”.

Ugu dambayn, banbax-howleedkan ayaa muddo seddex maalin ah socon doona waxaana looga doodi doonaa qorsho howleedyada u degsan hay’adaha dib-u-egiista dastuurka, waxaana dhamaadka banbax-howleedka laga soo saari doonaa War-murtiyeed shacabka lala wadaagi doono.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Tababar loo soo xiray Ciidammo Boolis ah oo ka howl-galaya qeybta guud ee G/Banaadir.

Next Post

Wasiirka Dastuurka : waxaa naga go’an dhameystirka Dastuurka

Next Post
Wasiirka Dastuurka : waxaa naga go’an dhameystirka Dastuurka

Wasiirka Dastuurka : waxaa naga go’an dhameystirka Dastuurka

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In