Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bandhig Aqooneed loogu dabaal degayey Sanad guurrada 10aad ee Jaamacadda Plasma oo Muqdisho Lagu Qabtay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Bandhig Aqooneed loogu dabaal degayey Sanad guurrada 10aad ee Jaamacadda Plasma oo Muqdisho Lagu Qabtay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanno, mas’uuliyiin, abwaanno, aqoon yahanno iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo gebagebeynayey bandhig aqooneed loogu dabaa degayey sanad guurrada 10aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Jaamacadda Palasma oo lagu qabtay xarunta jaamacadda.

Munaasabada daah furka Jaamacadda oo ka dhacday Hoolka Jaamacadda ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma Dr. Xasan Maxamed Xasan (Xasan Kaafi) oo sheegay in 10-kii sano ee Jaamacadda ay wax badan u qabsoomeen, ayna Jaamacadda ka aflaxeen kumanaan arday oo bartay qeybaha kala duwan ee Kulyadaha Jaamacada.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Waxaa la soo bandhigay agabyada kala duwan waxbarashada ee Jaamacadda, sidoo kale waxaa Bandhiga qeyb ka ahaa Kuliyadda Ganacsiga oo lagu biiriyay Kulyad cusub, Kulyadda Mareynta Qoyska oo soo bandhigtay habka cunto karinta iyo Farshaxanka.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigtay noocyada kala duwan ee raashinka oo qaab aad soo jiidasho leh loo soo diyaariyay iyo dalagyada kala duwan ee kheyraadka dalkeena.

Xildhibaannada kala ah C/sataar Sheekh C/salaan Sheekh Xasan Barsane iyo Maxamuud Maxamed Goodir oo khudbado ka jeediyey munaasabadda ayaa aad ugu ammaanay maamulka jaamacadda Plasma sida ay aqoonta umadda Soomaaliyeed gacan ugu geysteen waxaana ay bogaadiyeen iney sii wadaan dadaalkooda hagar la’aaneed.

Madaxa Waxbarashada Jaamacadda Plasma Prof Cusmaan Sheekh Xaydar oo soo xeray bandhiggan ayaa ka hadlay muhiimadda bandhig aqooneedka waxaana uu sidoo kale ka hadlay waxyaabihii kala duwanaa ee ay bulshada u qabatay Jaamacadda Plasma mudada 10ka sano ee ay jirto.

Marti sharaftii ka qeyb gashay Bandhigan ayaa aad ula dhacay waxyaabihii la soo bandhigay, isla markaana bogaadiyay ardayda bandhigoodii qurxanaa ee ay ku soo beegeen sanad-guurada 10aad ee Jaamacadda Plasma.

Plasma Bandhiga Aqooneed (1) Plasma Bandhiga Aqooneed (2) Plasma Bandhiga Aqooneed (3) Plasma Bandhiga Aqooneed (4) Plasma Bandhiga Aqooneed (5) Plasma Bandhiga Aqooneed (6) Plasma Bandhiga Aqooneed (7) Plasma Bandhiga Aqooneed (8) Plasma Bandhiga Aqooneed (9) Plasma Bandhiga Aqooneed (10) Plasma Bandhiga Aqooneed (11) Plasma Bandhiga Aqooneed (12) Plasma Bandhiga Aqooneed (13) Plasma Bandhiga Aqooneed (14) Plasma Bandhiga Aqooneed (15) Plasma Bandhiga Aqooneed (16) Plasma Bandhiga Aqooneed (17) Plasma Bandhiga Aqooneed (18)

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In