Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bandhig Aqooneed loogu dabaal degayey Sanad guurrada 10aad ee Jaamacadda Plasma oo Muqdisho Lagu Qabtay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 28, 2015
in Wararka
0
Bandhig Aqooneed loogu dabaal degayey Sanad guurrada 10aad ee Jaamacadda Plasma oo Muqdisho Lagu Qabtay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanno, mas’uuliyiin, abwaanno, aqoon yahanno iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo gebagebeynayey bandhig aqooneed loogu dabaa degayey sanad guurrada 10aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Jaamacadda Palasma oo lagu qabtay xarunta jaamacadda.

Munaasabada daah furka Jaamacadda oo ka dhacday Hoolka Jaamacadda ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma Dr. Xasan Maxamed Xasan (Xasan Kaafi) oo sheegay in 10-kii sano ee Jaamacadda ay wax badan u qabsoomeen, ayna Jaamacadda ka aflaxeen kumanaan arday oo bartay qeybaha kala duwan ee Kulyadaha Jaamacada.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Waxaa la soo bandhigay agabyada kala duwan waxbarashada ee Jaamacadda, sidoo kale waxaa Bandhiga qeyb ka ahaa Kuliyadda Ganacsiga oo lagu biiriyay Kulyad cusub, Kulyadda Mareynta Qoyska oo soo bandhigtay habka cunto karinta iyo Farshaxanka.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigtay noocyada kala duwan ee raashinka oo qaab aad soo jiidasho leh loo soo diyaariyay iyo dalagyada kala duwan ee kheyraadka dalkeena.

Xildhibaannada kala ah C/sataar Sheekh C/salaan Sheekh Xasan Barsane iyo Maxamuud Maxamed Goodir oo khudbado ka jeediyey munaasabadda ayaa aad ugu ammaanay maamulka jaamacadda Plasma sida ay aqoonta umadda Soomaaliyeed gacan ugu geysteen waxaana ay bogaadiyeen iney sii wadaan dadaalkooda hagar la’aaneed.

Madaxa Waxbarashada Jaamacadda Plasma Prof Cusmaan Sheekh Xaydar oo soo xeray bandhiggan ayaa ka hadlay muhiimadda bandhig aqooneedka waxaana uu sidoo kale ka hadlay waxyaabihii kala duwanaa ee ay bulshada u qabatay Jaamacadda Plasma mudada 10ka sano ee ay jirto.

Marti sharaftii ka qeyb gashay Bandhigan ayaa aad ula dhacay waxyaabihii la soo bandhigay, isla markaana bogaadiyay ardayda bandhigoodii qurxanaa ee ay ku soo beegeen sanad-guurada 10aad ee Jaamacadda Plasma.

Plasma Bandhiga Aqooneed (1) Plasma Bandhiga Aqooneed (2) Plasma Bandhiga Aqooneed (3) Plasma Bandhiga Aqooneed (4) Plasma Bandhiga Aqooneed (5) Plasma Bandhiga Aqooneed (6) Plasma Bandhiga Aqooneed (7) Plasma Bandhiga Aqooneed (8) Plasma Bandhiga Aqooneed (9) Plasma Bandhiga Aqooneed (10) Plasma Bandhiga Aqooneed (11) Plasma Bandhiga Aqooneed (12) Plasma Bandhiga Aqooneed (13) Plasma Bandhiga Aqooneed (14) Plasma Bandhiga Aqooneed (15) Plasma Bandhiga Aqooneed (16) Plasma Bandhiga Aqooneed (17) Plasma Bandhiga Aqooneed (18)

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In