Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Bangiga aduunka oo ku dhawaaqay in Soomaaliya bixisay dayntii uu ku lahaa.

admin by admin
6 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bixisay lacagihii Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ay ku laheed Soomaaliya si loo dhameystiro soo celinta xiriirka caadiga ah ee Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka.
Soomaaliya waxay dib ula soo noqotay hannaan ay ku heli karto taageero cusub oo toos ah oo uga imaanayso hey’adda horumarinta caalamiga, waxay talaabo wanaagsan u qaaday hal abuurka daymaha looga cafinayo waddama faqriga iyo soo kabashada sanadaha soo socda ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Bangiga Aduunja.
“waxaan u hambalyaynayaa dowladda Federaalka Soomaaliya gaarida yoolkaan taariikhiga kaasoo u ogolaanayaa Soomaaliya in ay hesho taageero dhaqaale oo xooggan oo ka imaanaysa Bangiga aduunka si loo horumariyo nolosha dadka,, tani waxay salka u dhigaysa soo bogsho dhaqaale iyo mid bulsho waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo dowladda Norway oo fududaysay habka dayn cafinta” sidaas waxaa yirri Axel van Trotsenburg, agaasimaha Maamulka Bangiga Aduunka
Hannaan la isku fahmay ayaa lagu bixiyay dhaqaalaha Bangigu ku lahaa Soomaaliya oo ay taageertay dowladda Norway kuna bixisay $365.9 million oo doolar oo dayn ah si Soomaaliya uga gudubto buundadaan, sidookale waxaa qeyb ka ahaa Hey’adda lacagta Aduunka (IMF) iyo Bangiga Horumarinta  Afrika.
“waxaan ku faraxsanay in Dowladda Norway ay  door wanaagsan qaadatay si caalamka Soomaaliya uga cafiyo daymaha ayna fursad u hesho maalgalinta Hey’adda Horumarinta caalamiga, waxaan kaloo ku faraxsanahay in Soomaaliya talaabo kale oo muhiim ah u qaaday hannaanka dhaafida daymaha haray” ayuu yirri Wasiirka Arrimaha Dibbadda ee Norway Ine Eriksen Søreide.
Cadeynta daymihii hey’adda Horumarinta Caalamiga ah waa fursad furaysa soo noqoshada Soomaaliya “waa cusub baa inoo baryay, waxaan rajeynaynan inaan horu ugu dhaqaaqno xoojinta xiriirka nagala dhaxeeyo Bangiga aduunka iyo dhismaha tiirarka dhaqaalaheena si dalkeenu u gaaro barwaaqo ” ayuu yirri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaald Bayle.
Wasiirka ayaa u mahad celiyay  taageerada buuxda ee Soomaaliya la garab istaagtay dowladda Norway si ay bixiso dayntii Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah.
Kulan ay asbuucii la soo dhaafay yeesheen maamulka sare ee Bangiga aduunka ayay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan kobaca xooggan ee daqliga  sanadlaha ah ee dowlada, horumarka Siyaasada, Bulshada iyo dhaqaalaha  oo suurgaliyay in Soomaaliya ay halkaan soo gaarto.
Hey’adda Horumarinta Caalamiga waa mid ka mid ah hey’adaha dhaqaalaha ugu weyn caalamka ee maalgaliya la dagaalanka saboolnimada wadamada taagta daran dhinaca dhaqaalaha, waxay bixisaa daymo ay yar yihiin amaba aan laheen dulsaar oo gacan xooggan ka gaysta kobaca dhaqaalaha, nolosha dadka iyo u adkaysiga aafooyinka.
Previous Post

Marwada Koowaad ee Dalka Oo Magaalada Baraawe Ka Dhagax Dhigtay Xarun Caafimaad “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul wasaare Kheyre oo daah-furay munaasabadda 60 guurada xornimada Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dowladda Iyo Shacabka Turkiga Uga Tacsiyeeyay Dhibaatadii Ka Dhalatay Dhul Gariirkii Gobalka Elazig

Ra’iisul wasaare Kheyre oo daah-furay munaasabadda 60 guurada xornimada Soomaaliya

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In