Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Koowaad ee Dalka Oo Magaalada Baraawe Ka Dhagax Dhigtay Xarun Caafimaad “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Marwada Koowaad ee Dalka Oo Magaalada Baraawe Ka Dhagax Dhigtay Xarun Caafimaad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa si wada jir ah uga dhagax dhigay magaalada Baraawe xarun loogu talagalay daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka.

Marwo Saynab ayaa ka warbixisay muhiimadda qorshaha hirgelinta Xarummaha caafimaad oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay xoogga saartay, si xal waara loogu helo baahiyaha iyo dhibaatooyinka caafimaad ee haysta hooyooyinka Soomaaliyeed iyo ubadkooda.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

“Xaruntan caafimaad waxa aan ugu talagalnay wax ka qabashada dhibaatooyinka soo wajaha hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Baraawe iyo inta ku xeeran. Waxa nasiib wanaag ah, in reer Baraawe aad noqoteen magaaladii koowaad ee nasiib u heshay in laga hirgeliyo mashruucan.”ayay tiri Marwo Seynab.

Marwada koowaad ee dalka oo sheegtay in dhismaha iyo qalabeynta xarunta lagu hirgelin doono sanadkan gudihiisa ayaa ku bogaadisay maamulka degmada Baraawe iyo bulshada ku dhaqan sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo amniga.

“Waxaan ugu baaqayaa hooyooyinka iyo bulsho-weynta Gobolkan Shabeellaha Hoose in ay u tashadaan sidii dib loogu soo noolayn lahaa adeegyada aasaasiga ah.”ayay hadalkeeda ku dartay Marwada koowaad ee dalka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa uga mahadceliyey Marwada Koowaad ee dalka hirgelinta Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Baraawe, isagoo tilmaamay in dhismaha xaruntan ay kaabeyso kobaca nololeed ee bulshada Gobolka.

Marwada Koowaad ee dalka waxaa socdaalkan ku wehelinayey wafdi heer Federaal ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Mudane Xamse Siciid Xamse, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Marwo Deeqa Yaasiin Xaaji, Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi, Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdullaahi Shiikh Cabdikariin, Agaasimaha Hay’adda Saynab Moallim Foundation Mudane Caydaruus Maxamuud Cismaan, Guddoomiyeyaal iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kormeeray Saldhigga Degmada Dhusamareb “SAWIRRO”

Next Post

Bangiga aduunka oo ku dhawaaqay in Soomaaliya bixisay dayntii uu ku lahaa.

Next Post

Bangiga aduunka oo ku dhawaaqay in Soomaaliya bixisay dayntii uu ku lahaa.

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In