Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bangiga Aduunka oo Sheegay in uu Kobcay Dhaqaalaha Soomaaliya 20-kii Sano ee La Soo Dhaafay”Sawiiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Bangiga Aduunka oo Sheegay in uu Kobcay Dhaqaalaha Soomaaliya 20-kii Sano ee La Soo Dhaafay”Sawiiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Bangiga Aduunka ayaa waxaa looga hadlayay horumarka dhanka dhaqaalaha oo ay soomaaliya sameeysay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro hore,danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya ganacsato isugu jiro Soomaali iyo Keenyaan,qaar kamid ah bangiyada ka shaqeeya Kenya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026

Mas’uuliyiin ka tirsan Bangiga aduunka ayaa ka warbixiyay halka uu marayo dhaqaalaha soomaaliya,iyagoo sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya ay kor qaadeen xawaaladaha,isgaarsiinta iyo ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay.

Danjiraha dowlada Somaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu dhamaaday Shirka ayaa ugu baaqay ganacsatada soomaaliyeed in ay dalkooda maal gashtaan,isagoo tilmaamay in la gaaray waqtigii ay dalkooda maalgashan lahaayeen.

Danjire Jamaal ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabsaneyso dhibaatooyinkii soo gaaray 20-kii sano ee la soo dhaafay,islamarkaana uu koboc sameynayo dhaqaalaha dalkeenaa,isagoo sheegay in loo baahanyahay in laga faa’ideyso kheyraadka ka buuxo dhulkeena.

Danjire Jamaal ayaa intaasi ku daray in xawaaladaha soomaalida ay kor u qaadeen dhaqaalaha dalkeena,isagoo sheegay in warbixinta uu soo bandhigay Bangiga aduunka lagu sheegay in ku dhawaad %40 ay xawaaladuhu gacan ka geystaan koboco dhaqaalaha dalkeena.

Waa markii ugu horeysay oo uu Bangiga aduunka ku dhawaaqo in dhaqaalaha dalkeena uu koboc sameeyay 20-kii sano ee la dhaafay oo ay dalka ka jireen dagaalo sukeeyo.

IMG_0951 IMG_0953 IMG_0955 IMG_0956 IMG_0958 IMG_0966 IMG_0968 IMG_0972 IMG_0974 IMG_0976 IMG_0983 IMG_0986 IMG_0987 IMG_0989 IMG_1002 IMG_1007 IMG_1012 IMG_1018

Sawir qaade:- Xasan Cumar Baffo

Previous Post

Kulan Looga Hadlay Doorka Ururada Bulshada Rayidka Ay Ka Qaadan Karaan Doorashooyinka 2016-ka “Sawirro”

Next Post

Weeraro iyo Duqeyn ka dhacdey Magaalada SINJIR,Waqooyiga Ciraaq.

Next Post
Weeraro iyo Duqeyn ka dhacdey Magaalada SINJIR,Waqooyiga Ciraaq.

Weeraro iyo Duqeyn ka dhacdey Magaalada SINJIR,Waqooyiga Ciraaq.

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In