Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo wax lagu xumaado ku tilmaamay lacago been abuur ah oo laga soo saaray Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Bakiga dhexe ee Soomaaliya oo sheegay in dhamaadka sanadkan la soo celinaayo hantidii hakadka la geliyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Bankiga dhexe  ee Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Maamulka Puntland oo ka mid  ah tiirarka nidaamka Fedaralka laga dhisay laga soo saaro lacago been abuur ah, tasoo dhaaweceysa dhaqaalaha dalka, Isla markana abuureysa sicir barar ku yimaada badeecadaha dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in bur burkii dowladda dhexe ee Soomaaliya 1991 kadib ay meelo kala duwan oo dalka laga soo saaray lacago been abuur ah oo khalkhal iyo dhaawac geliyay dhaqaalaha, ascaarta iyo maciishadda dadweynaha, iyadoo nidaamkii dowladnimo dib u soo kabanayo, waxaa dhaqan iyo ficil aan la aqbali Karin in si sharci darro ah loo soo daabaco lacago been abuur ah oo abuuraya sicir barar iyo bur bur dhaqaale.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay inay tahay arrin laga xumaado in Puntland oo ka mid ah tiirarka nidaamka Federaalka, hadda laga soo saaray lacag sharci darro ah, taasoo dhaawaceysa dhaqaalaha Puntland iyo kan dalkaba, iyadoo ay socdaan dadaallo bankiga dhexe ee Soomaaliya uu wado, isagoo kaashanaya Hay’ado caalami ah oo ah daneynaya sidii waqti nidaamsan oo ugu haboon loogu dhaqan gelin lahaa soo saaridda lacagta shilin Soomaaliga oo tayo leh, waxaa socda heshiisyo Soomaaliya la gashay sanduuqa lacagta adduunka (IMF) oo u horseedeya nidaaminta dhaqaalaha wajiyadiisa kala duwan, si dalka ficil ahaan dib ugu laabto nidaamka maaliyadeed ee adduunka iyo in laga cafiyo daymaha faraha badan oo Soomaaliya lagu leeyahay, taasoo ah sida kaliya oo lagu xaqiijin karo mustaqbal horumar leh, lacag si sahlan loo soo daabaco waxay wiiqeysaa heshiisyadaasi muhiimka ah.

“Lacag kasta oo been abuur ah waxay abuureysaa dhibaato dhaqaale, mid cadaaladeed iyo mid akhlaaqeed marka warqado been abuur ah la soo daabaco oo lagula wareego hantida xalaasha ah ee dadweynaha ama sicir barar lagu abuuro” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo hadda si lixaad leh ugu jira taabagelinta waajibaadkiisa sharciyadeed iyo howlfulineed waxa uu ku talo jiraa sidii arrinta dib u habeynta lacagta Qaranka loo dhaqan gelin lahaa.

Bankigu waxa uu dadweynaha uga digayaa inaan la aqbalin lacagtaas been abuurka ah oo Puntland hadda laga soo saaray iyo midkasta oo la mid ah oo meel kasta laga soo suuq geliyo.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed oo heerkasta iyo ciddii beesha caalamka dadneyneneysa wanaaga Ummadda Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa ficil lagu joojinayo soo daabicidda lacag aan sharciga waafaqsaneyn iyo in la dadajiyo in dadaalka bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo IMF hadda ugu jiraan dib u habeynta lacagta (Monetary reform).

War-saxaafadeedka ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali.

 

Previous Post

Madaxweynaha oo kulamo la qaatay Madax ka tirsan Talyaaniga

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In