Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo wax lagu xumaado ku tilmaamay lacago been abuur ah oo laga soo saaray Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 5, 2015
in Wararka
0
Bakiga dhexe ee Soomaaliya oo sheegay in dhamaadka sanadkan la soo celinaayo hantidii hakadka la geliyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Bankiga dhexe  ee Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Maamulka Puntland oo ka mid  ah tiirarka nidaamka Fedaralka laga dhisay laga soo saaro lacago been abuur ah, tasoo dhaaweceysa dhaqaalaha dalka, Isla markana abuureysa sicir barar ku yimaada badeecadaha dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in bur burkii dowladda dhexe ee Soomaaliya 1991 kadib ay meelo kala duwan oo dalka laga soo saaray lacago been abuur ah oo khalkhal iyo dhaawac geliyay dhaqaalaha, ascaarta iyo maciishadda dadweynaha, iyadoo nidaamkii dowladnimo dib u soo kabanayo, waxaa dhaqan iyo ficil aan la aqbali Karin in si sharci darro ah loo soo daabaco lacago been abuur ah oo abuuraya sicir barar iyo bur bur dhaqaale.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay inay tahay arrin laga xumaado in Puntland oo ka mid ah tiirarka nidaamka Federaalka, hadda laga soo saaray lacag sharci darro ah, taasoo dhaawaceysa dhaqaalaha Puntland iyo kan dalkaba, iyadoo ay socdaan dadaallo bankiga dhexe ee Soomaaliya uu wado, isagoo kaashanaya Hay’ado caalami ah oo ah daneynaya sidii waqti nidaamsan oo ugu haboon loogu dhaqan gelin lahaa soo saaridda lacagta shilin Soomaaliga oo tayo leh, waxaa socda heshiisyo Soomaaliya la gashay sanduuqa lacagta adduunka (IMF) oo u horseedeya nidaaminta dhaqaalaha wajiyadiisa kala duwan, si dalka ficil ahaan dib ugu laabto nidaamka maaliyadeed ee adduunka iyo in laga cafiyo daymaha faraha badan oo Soomaaliya lagu leeyahay, taasoo ah sida kaliya oo lagu xaqiijin karo mustaqbal horumar leh, lacag si sahlan loo soo daabaco waxay wiiqeysaa heshiisyadaasi muhiimka ah.

“Lacag kasta oo been abuur ah waxay abuureysaa dhibaato dhaqaale, mid cadaaladeed iyo mid akhlaaqeed marka warqado been abuur ah la soo daabaco oo lagula wareego hantida xalaasha ah ee dadweynaha ama sicir barar lagu abuuro” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo hadda si lixaad leh ugu jira taabagelinta waajibaadkiisa sharciyadeed iyo howlfulineed waxa uu ku talo jiraa sidii arrinta dib u habeynta lacagta Qaranka loo dhaqan gelin lahaa.

Bankigu waxa uu dadweynaha uga digayaa inaan la aqbalin lacagtaas been abuurka ah oo Puntland hadda laga soo saaray iyo midkasta oo la mid ah oo meel kasta laga soo suuq geliyo.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed oo heerkasta iyo ciddii beesha caalamka dadneyneneysa wanaaga Ummadda Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa ficil lagu joojinayo soo daabicidda lacag aan sharciga waafaqsaneyn iyo in la dadajiyo in dadaalka bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo IMF hadda ugu jiraan dib u habeynta lacagta (Monetary reform).

War-saxaafadeedka ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali.

 

Previous Post

Madaxweynaha oo kulamo la qaatay Madax ka tirsan Talyaaniga

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In