Waxaa magaalada Muqdisho Sacadaha soo aadan gilgili doona dibad baxayo waaweyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee ku Aadan dhulka iyo Badda Soomaaliya,Bartamaha magaaladda iyo goobaha loo cayimay ee magaaladda, ayaa dadka dibad baxaya ay isugu yimaadeen kuwaas oo ku muujinaya dareenka ka dhanka ah damaca gurracan ee dowladda Itoobiya.
Qaybaha kala duwaan ee bulshada, ayaa saakay u soo dhaqaaqay goobahaas ay ka dhacayaan bannaan baxayda waxaan si weyn u sugaya amniga iyo habsami u socodka dibad baxaa laamaha amniga qeyba hooda kala duwan, oo lagu arkayo waddooyinka magaaladda Muqdisho.
Guud ahaan dalka ayaa muddooyinkii danbe waxaa ka dhacayay Bannaan baxayo waaweyn oo looga soo horjeedo hishiis isku sheeg ay wada galeen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya oo ay ku doonayso Badda Soomaaliya.
Dowladda Soomaliya ayaa si weyn uga hortimid damaca gurracan ee dowladda Itoobiya,kaas oo ahaa Xad-gudubkii ay ku xad-gudubtay Madax-bannaanida dhulka iyo Badda dalkeena Soomaaliya .