Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2003.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kursigan muhiimka ah loo doortay bishii February 2026, iyadoo ay hayn doonto muddo labo sano ah, taas oo muujinaysa kalsoonida ay dalalka Afrika ku qabaan doorka Soomaaliya ee arrimaha nabadda iyo amniga gobolka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika, Danjire Cabdullaahi Warfaa, ayaa si rasmi ah calanka Soomaaliya uga taagay xarunta Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, taas oo astaan u ah bilowga xilka cusub ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo kor u qaadeysa sumcadda iyo kaalinta Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada nabad ilaalinta, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka Afrika.

Previous Post

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

Next Post

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Next Post
Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay  Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka...

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In