Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barnaamij is dhexgalka bulshooyinka ah oo lagu qabtay magaalada Cape-town “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Barnaamij is dhexgalka bulshooyinka ah oo lagu qabtay magaalada Cape-town “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Barnaamijkaan oo loogu magac daray Open Street “Waddo furan ayaa lagu qabtay xaafadda Soomaalidu ku badan tahay Bellville ee magaalada Cape town, waxaana so qaban qaabiyay Hey’adda Lagu magacaabo Greater Tygerberg Partnership “GTP” Iyo waliba dowladda hoose ee magaalada Cape town.
Ujeedada loo qatay  barnaamijkaan ayaa ahayd in la muujiyo isku furnaanta dadka wada daga magaalada Cape town ee ka kala yimid dunida dacalladeeda iyo waliba in la helo goob ay ku wada qaadan karaan waqti la isuguna iman karo ayada oo aysan jirin dhibaato dhinaca jinsiga oo lagu kala xeran yahay ama lagu kala duwan yahay, waxaana barnaamijkaan laga soo min guuriyay wadanka  Colombia.
Waxaa La xeray qaar ka mid ah waddooyinka soo gala xaafada ganacsiga Soomaalida, waxaana soo buux dhaafiyay boqollaal dadweyne oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Cape town,  kuwaa oo qaar walba ay kaga qeyb qaadanayeen waxyaabaha ay hayaan haddey noqan laheyd hiddo iyo dhaqanka, caayaraha kubadda cagta, kubadda kolayga, musica iyo heesaha,  wadidda baaskiilada ,orodka iyo waliba cayaaro kale oo ay aad u jecleysteen bulshooyinka kala duwan oo isugu soo baxay Damaashaadkaan ayada oo guud ahaan cayaarahaas ay qeyb ka ahaayeen soomaalida.
Cabdinaasir Cali Caraale oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa soomaalida isla markaana qaban qaabada qeyb ka ahaa ayaa warbaahinta u sharaxaya sida uu yahay barnaamijkaan iyo waliba fursada ugu jirta soomaalida.
“Waxaa lasoo bilaabay labo bil kahor waxaana lagu qabtay meelo kala duwan oo magaaladaan ka mid ah anagana waxaa ay noo aheyd fursad hadaan nahay soomaalida halkaan dagan waxaa ay aheyd in ganacsatada ay soo bandhigeen waxyaabaha ay iibiyaan sida cunooyinka iyo waxyaabaha la midka ah”
Cabdilaahi Cali Xasan waxaa uu ka mid yahay ganacsatada Soomaalida waxaa sido kale uu qeyb ka ahaa barnaamijkaan suura galintiiisa waxaa uu warbaahinta qaranka u sharaxayaa faa’iidada soomaalida ugu jirta Barnaamijkaan.
“Soomaalida waxaa ugu jira waxaa ka mid ah in dad kala duwan oo hore aan u arag magaaladaan ay arkayaan in soomaalida ay yihiin dad ganacsiga ku fiican shaqo abuur leh qeyb ka ah horumarka ganacsiga waxaa sido kale qeyb ka ah is dhaxgalka bulshada”
waxaa la filayaa in barnaamijkaan uu wax wey ka badalo isfahanka bulshooyinka wada nool ee ka kala yimid dunida dacaladeeda iyo kuwa u dhashay koofur africa ayada oo hey’adaha soo qaban qaabiyayna ay sheegeen in ay si wada doonaan.
unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed
C/laahi Maxamuud Amiin”C/laahi Qorshe” Cape Town South africa
Previous Post

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Denmark “Sawirro”

Next Post

Kulan Looga Hadlay Dar Dargalinta Howlaha Dib U Eegista Dastuurka Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post
Kulan Looga Hadlay Dar Dargalinta Howlaha Dib U Eegista Dastuurka Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Kulan Looga Hadlay Dar Dargalinta Howlaha Dib U Eegista Dastuurka Oo Muqdisho Lagu Qabtay "Sawirro"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In