Monday, June 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barnaamij lagu xoojinayo dhaqanka oo lagu qabtay Degmada Shibis “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Barnaamij lagu xoojinayo dhaqanka oo lagu qabtay Degmada Shibis “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada Soomaaliyeed “Center For Community Awareness ( CCA )” oo ka mid ah Hay’adaha ka shaqeeya Wacyi-gelinta Bulshada iyo Adkeynta Nabadda ayaa waxay Degmadda Shibis ku qabatay Barnaamij ballaaran oo Bulshada looga  wacyi-gelinayo Ilaalinta Dhaqanka Tolmoon  ee  Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii Dhallinyarrada loogu wacyi-gelin lahaa inay ku hirtaan Dhaqankaasi faca weyn.

Munaasbadaasi oo si heer sare loo soo agaasimay waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), qaar ka mid ah Guddoomiyayaaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir, Siyaasiyiin, Saraakiisha Ammaanka Gobalka Banaadir, Ururka Haweenka Gobalka, Waxgarad, Odayaal, Dhallinyarro, Fannaaniinta Hoballadda Waaberi, Barbaarta Gaashaaman iyo dadweyne fara badan  oo ka kala yimid waaxyaha ay ka kooban tahay Degmadda Shibis iyo Kooxda Ciyaartoyda Dhaqanka ee Shibis.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026

Guddoomiyaha Degmadda Shibis, Axmed Muumin Maxamed ayaa Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada Soomaaliyeed ee CCA uga mahadceliyey Barnaamijka Wacyi-gelinta ee ay u qabteen Bulshada ku nool Degmadda Shibis, isagoo sheegay inay Bulshadda ka faa’ideysteen waxyaabihii lagu soo bandhigay Madasha Degmada.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir, Jawaahir Baarqab  iyo Xuseen Saalim oo ka mid ah Waxgaradka ku nool Degmadda Shibis  oo ka hadlay Kulankaasi ayaa  ugu baaqay Dhallinyarada Soomaaliyeed inay u midoobaan Ilaalinta Dhaqanka iyo Nabadda iyo inay ku hirtaan Dhaqanka Soo-jireenka ee Ummadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Xafiiska  Hay’adda (CCA) ee magaaladda Muqdisho, Maxamed Cabdi Xasan oo isna ka hadlay munaasabada waxa uu ka warbixiyey dadaalka joogtada ee ay Mas’uuliyiinta Hay’adda CCA ka qaataan Hawlaha loogu adeegayo Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in hadafka guud ee Hay’adda CCA ay tahay  Wacyi-gelinta Bulshada, Dhowrista Dhaqanka, Waddaniyadda, Adkeynta Nabadda iyo in Dhallinyarradda looga digo Dhaqan-xumida, Xag-jirnimadda iyo inaysan kaalin ka qaadanin Falalka wax u dhimi kara Horumarka Ammaanka iyo Nabadda Bulshadda.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf  Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay xafladda waxa uu aad u ammaanay kaalinta ay Hay’adda CCA uga qeyb qaadato Wacyi-gelinta Bulshada, Soo-nooleynta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Horumarinta Bulshada, Mustaqbalka Dhallinyaradda iyo cayaaraha.

“Barnaamijka Wacyi-gelinta Dhaqanka, waa mid lagu dhiiri-gelinayo Bulshada, gaar ahaan Dhallinyaradda inay ku bartaan Dhaqanka Soomaalida, Waddaniyadda iyo Nabadda” ayuu yiri Guddoomiyaha oo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la joogteeyo  Barnaamijyada lagu xoojinayo Dhaqanka Soo-jireenka ee Ummadda iyo in Dhallinyaradda laga wacyi-geliyo inaysan ku biirin Kooxda Alshabaab.

Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullah oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu qirsan yahay inay Madaxda Hey’adda CCA mas’uuliyad adag  u hayaan  bulshadda Soomaaliyeed, hadday noqon lahayd Waceygelinta, Soo -nooleynta Dhaqanka, Adkaynta Ammaanka iyo Horumarinta Isboortiga.

Bishii October ee la soo dhaafay, waxay Madaxda Hay’adda CCA  soo qabanqaabisay Shirweyne looga hadlay Wada-shaqeynta Hay’addaha Ammaanka iyo Dadweynaha, iyadoo ay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka meel-marisay Shirkaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

121 122 123 125 126 127 128 129 130 131 132 133 134 135 136 137 138 139 140 142 143 144 145

 

Previous Post

Shir ku saabsan waxyaabaha ka dhaqan galay New deal oo la qabtay “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca oo booqday magaalooyinka Dooloow iyo Beled-Xaawo “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca oo booqday magaalooyinka Dooloow iyo Beled-Xaawo “SAWIRRO”

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca oo booqday magaalooyinka Dooloow iyo Beled-Xaawo "SAWIRRO"

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In