Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barnaamij lagu xoojinayo dhaqanka oo lagu qabtay Degmada Shibis “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Barnaamij lagu xoojinayo dhaqanka oo lagu qabtay Degmada Shibis “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada Soomaaliyeed “Center For Community Awareness ( CCA )” oo ka mid ah Hay’adaha ka shaqeeya Wacyi-gelinta Bulshada iyo Adkeynta Nabadda ayaa waxay Degmadda Shibis ku qabatay Barnaamij ballaaran oo Bulshada looga  wacyi-gelinayo Ilaalinta Dhaqanka Tolmoon  ee  Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii Dhallinyarrada loogu wacyi-gelin lahaa inay ku hirtaan Dhaqankaasi faca weyn.

Munaasbadaasi oo si heer sare loo soo agaasimay waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), qaar ka mid ah Guddoomiyayaaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir, Siyaasiyiin, Saraakiisha Ammaanka Gobalka Banaadir, Ururka Haweenka Gobalka, Waxgarad, Odayaal, Dhallinyarro, Fannaaniinta Hoballadda Waaberi, Barbaarta Gaashaaman iyo dadweyne fara badan  oo ka kala yimid waaxyaha ay ka kooban tahay Degmadda Shibis iyo Kooxda Ciyaartoyda Dhaqanka ee Shibis.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Guddoomiyaha Degmadda Shibis, Axmed Muumin Maxamed ayaa Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada Soomaaliyeed ee CCA uga mahadceliyey Barnaamijka Wacyi-gelinta ee ay u qabteen Bulshada ku nool Degmadda Shibis, isagoo sheegay inay Bulshadda ka faa’ideysteen waxyaabihii lagu soo bandhigay Madasha Degmada.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir, Jawaahir Baarqab  iyo Xuseen Saalim oo ka mid ah Waxgaradka ku nool Degmadda Shibis  oo ka hadlay Kulankaasi ayaa  ugu baaqay Dhallinyarada Soomaaliyeed inay u midoobaan Ilaalinta Dhaqanka iyo Nabadda iyo inay ku hirtaan Dhaqanka Soo-jireenka ee Ummadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Xafiiska  Hay’adda (CCA) ee magaaladda Muqdisho, Maxamed Cabdi Xasan oo isna ka hadlay munaasabada waxa uu ka warbixiyey dadaalka joogtada ee ay Mas’uuliyiinta Hay’adda CCA ka qaataan Hawlaha loogu adeegayo Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in hadafka guud ee Hay’adda CCA ay tahay  Wacyi-gelinta Bulshada, Dhowrista Dhaqanka, Waddaniyadda, Adkeynta Nabadda iyo in Dhallinyarradda looga digo Dhaqan-xumida, Xag-jirnimadda iyo inaysan kaalin ka qaadanin Falalka wax u dhimi kara Horumarka Ammaanka iyo Nabadda Bulshadda.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf  Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay xafladda waxa uu aad u ammaanay kaalinta ay Hay’adda CCA uga qeyb qaadato Wacyi-gelinta Bulshada, Soo-nooleynta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Horumarinta Bulshada, Mustaqbalka Dhallinyaradda iyo cayaaraha.

“Barnaamijka Wacyi-gelinta Dhaqanka, waa mid lagu dhiiri-gelinayo Bulshada, gaar ahaan Dhallinyaradda inay ku bartaan Dhaqanka Soomaalida, Waddaniyadda iyo Nabadda” ayuu yiri Guddoomiyaha oo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la joogteeyo  Barnaamijyada lagu xoojinayo Dhaqanka Soo-jireenka ee Ummadda iyo in Dhallinyaradda laga wacyi-geliyo inaysan ku biirin Kooxda Alshabaab.

Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullah oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu qirsan yahay inay Madaxda Hey’adda CCA mas’uuliyad adag  u hayaan  bulshadda Soomaaliyeed, hadday noqon lahayd Waceygelinta, Soo -nooleynta Dhaqanka, Adkaynta Ammaanka iyo Horumarinta Isboortiga.

Bishii October ee la soo dhaafay, waxay Madaxda Hay’adda CCA  soo qabanqaabisay Shirweyne looga hadlay Wada-shaqeynta Hay’addaha Ammaanka iyo Dadweynaha, iyadoo ay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka meel-marisay Shirkaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

121 122 123 125 126 127 128 129 130 131 132 133 134 135 136 137 138 139 140 142 143 144 145

 

Previous Post

Shir ku saabsan waxyaabaha ka dhaqan galay New deal oo la qabtay “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca oo booqday magaalooyinka Dooloow iyo Beled-Xaawo “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca oo booqday magaalooyinka Dooloow iyo Beled-Xaawo “SAWIRRO”

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca oo booqday magaalooyinka Dooloow iyo Beled-Xaawo "SAWIRRO"

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In