Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barnaamijka is cafinta oo lagu qabtay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 29, 2019
in Wararka
0
Barnaamijka is cafinta oo lagu qabtay Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maadaama is cafintu ay tahay wax diiniyan u wanaagsan Muslimiinta isla markaana qeyb ka noqan karta is fahamka bulshada iyo wada noolashaha ayaa waxaa magaalada Galkaacyo lagu qabtay munaasabad lagu maamusayay maalinta is cafinta Soomaaliyeed oo ku beegneyd 28-ka June.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa inteeda badan looga hadlay ahmiyadda ay leedahay haddii la helo is cafin dhab ah iyo waxa ay ka badali karto xaaladda xiligaan ka jirta dalkeena.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Dr Mahad Caabi oo ka mid ah dhallinyarada munaasabadda soo agaasimay ayaa ugu sheegay in ay rajeynayaan in is cafintu ay noqoto mid wax weyn ka badali karta wada noolashaha bulshada reer Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale qaar ka mid ah xubnihii ka socday ururada dhallinyarada iyo haweenka Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug oo munasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada barnaamijka is cafinta.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Mudug ee Puntland Xasan Wardheere Warsame ayaa sheegay in is cafintu ay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana ay Diinteenu islaamku na fareeyso, loona baahanyahay inay is cafiyaan.

Wasiirka Wasaaradda dib-u-heshiisiinta iyo arrimaha Federaalka Galmudug Saalax Maxamed Boostaale ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay xoojin doonaan barnaamijyada nuucaani oo kale ah.

Cabdirisaaq Max’ed Axmed

 

Previous Post

Dhallinyarada Caabudwaaq oo Ra’iisul Wasaare Khayre la yeeshay kulan ay su’aalo ku waydiinayeen “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Qanyare

Next Post
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Qanyare

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In