Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa looga hadlay mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya iyo doorasho ka dhacda dalka sanadka 2016-ka.
Barnaamijka waxaa marti ku ahaa oo ka qeybgalay Wasiirka dastuurka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, iyo Prof. Yaxye Sheekh Ibraahin oo ah Hoprmuudka Jaamacadda SIU, waxeyna si qota dheer oo faah faahsan uga hadleen hanaanka siyaasadeed ee mustaqbalka dalka iyo waxa dhici doona sanadka 2016-ka mar haddii hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda ay isla qireen ineysan dalka ka dhici Karin doorasho madaxbanaan oo qof iyo cod ah.
Mas’uuliyiinta ayaa aragtidooda la wadaagay qaar ka mid ah dhageystayaasha barnaamijka oo su’aalo soo weydiiyay intii uu socday barnaamijka.
Halkan hoose ka dhageyso
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir