Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barnaamijka Nugliyeerka Iran oo heshiis hor u dhac laga gaaray

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Barnaamijka Nugliyeerka Iran oo heshiis hor u dhac laga gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wada hadaladii ku saabsanaa barnaamijka Nugliyeerka dalka Iran ayaa laga gaaray heshiis hor u dhac ah maanta oo Talaado ah,balse waxaa la is weydiin karaa ma awoodi doonaan dalalka aduunka in ay Iiraan ka hor istaagaan helitaanka awood Nugliyeer hab diblomaasiyadeed? Inkastoo labada dhinac isku raaceen in la sii wado wada xaajoodka.

Heshiiskan ku meel gaarka ah oo u dhaxeeya Iran iyo dalalka Lixda ah ayaa socon doona ilaa maalinta Jimcaha ee soo socota si loo gaaro heshiis kama dambeyn ah sida laga soo xigtay wafdiga Mareykanka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

” Waxaan sameynay horumar dhinac kasta ah,laakiin shaqadab waa mid farsamo iyo shaqo ay u dhan yihiin wadamadan oo dhan ,” sidaa waxaa sheegay afhayeenka wafdiga Mareykanka Marie Harf.

” Waxaan si niyad ah ugu walacsan nahay tayada heshiiska waa sidii saacadii oo kale,sidaa darteed waa go’aan adag oo aan si fufud lagu gaari Karin waana sababta aan u sii wadayno wadahadalka,”  ayay hadalkeeda ku dartay.

Madaxa siyaasadda Midowga Yurub gabadha lagu magcaabo Federica Mogherini ayaa sheegtay in heshiiskan uu calaamad rajo u yahay guud ahaan caalamka.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Iran Mohammad Javad Zarif ayaa yiri ” heshiiskan ma ahan mid u dhameystirin  qof kasta ”, laakiin waa mid wax ku ool ah isla markaana lagu gaari karo mid kama dambeyn ah “.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhi ah.

Wasiirada arimaha dibadda iyo saraakiil ka socoda dalka Iran iyo xubnaha loo yaqaano  P5+1 oo ay kamid yihiin Britain, China, France, Germany, Russia iyo Mareykanka ayaa ku kulansanaa magaalada  Vienna ee dalka Austria si ay heshiis ula gaaraan  Iran.

Heshiiskan hor u dhaca ah oo ka kooban 80 bog ayaa waxaa dhaqan galkiisa laga shaqeyn doonaa muddo 13 sano ah.

In baariyaasha Qaramada Midoobay loo ogolaado in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa xarumaha militiri ee dalka Iran.

In Iran ay ogolaatay in xayiraada laga qaaday lagu soo celin maro haddii ay ku xad gudubto heshiiska muddo 65 maalmood ah.

Arinta lagu muransan yahay oo heshiiskan adkeysay ayaa waxaa kamid ahaa barnaamijka gentaalada balaastiga ah ee dalka Iran iyo cunaqabateynta hubka ee saaran.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in heshiis lagu gaari doono maalmaha soo socoda isla markaana is faham laga gaaray sidii xayiraada looga qaadi lahaa dalka Iran.

 

Previous Post

Taliyaha ciidabka booliska oo aqoon kororsi u furay saraakiil boolis

Next Post

Wasiiro kormeerey xero lagu daryeelo carruur agoon ah

Next Post
Wasiiro kormeerey xero lagu daryeelo carruur agoon ah

Wasiiro kormeerey xero lagu daryeelo carruur agoon ah

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In