Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barnaamijka Nugliyeerka Iran oo heshiis hor u dhac laga gaaray

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Barnaamijka Nugliyeerka Iran oo heshiis hor u dhac laga gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wada hadaladii ku saabsanaa barnaamijka Nugliyeerka dalka Iran ayaa laga gaaray heshiis hor u dhac ah maanta oo Talaado ah,balse waxaa la is weydiin karaa ma awoodi doonaan dalalka aduunka in ay Iiraan ka hor istaagaan helitaanka awood Nugliyeer hab diblomaasiyadeed? Inkastoo labada dhinac isku raaceen in la sii wado wada xaajoodka.

Heshiiskan ku meel gaarka ah oo u dhaxeeya Iran iyo dalalka Lixda ah ayaa socon doona ilaa maalinta Jimcaha ee soo socota si loo gaaro heshiis kama dambeyn ah sida laga soo xigtay wafdiga Mareykanka.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

” Waxaan sameynay horumar dhinac kasta ah,laakiin shaqadab waa mid farsamo iyo shaqo ay u dhan yihiin wadamadan oo dhan ,” sidaa waxaa sheegay afhayeenka wafdiga Mareykanka Marie Harf.

” Waxaan si niyad ah ugu walacsan nahay tayada heshiiska waa sidii saacadii oo kale,sidaa darteed waa go’aan adag oo aan si fufud lagu gaari Karin waana sababta aan u sii wadayno wadahadalka,”  ayay hadalkeeda ku dartay.

Madaxa siyaasadda Midowga Yurub gabadha lagu magcaabo Federica Mogherini ayaa sheegtay in heshiiskan uu calaamad rajo u yahay guud ahaan caalamka.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Iran Mohammad Javad Zarif ayaa yiri ” heshiiskan ma ahan mid u dhameystirin  qof kasta ”, laakiin waa mid wax ku ool ah isla markaana lagu gaari karo mid kama dambeyn ah “.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhi ah.

Wasiirada arimaha dibadda iyo saraakiil ka socoda dalka Iran iyo xubnaha loo yaqaano  P5+1 oo ay kamid yihiin Britain, China, France, Germany, Russia iyo Mareykanka ayaa ku kulansanaa magaalada  Vienna ee dalka Austria si ay heshiis ula gaaraan  Iran.

Heshiiskan hor u dhaca ah oo ka kooban 80 bog ayaa waxaa dhaqan galkiisa laga shaqeyn doonaa muddo 13 sano ah.

In baariyaasha Qaramada Midoobay loo ogolaado in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa xarumaha militiri ee dalka Iran.

In Iran ay ogolaatay in xayiraada laga qaaday lagu soo celin maro haddii ay ku xad gudubto heshiiska muddo 65 maalmood ah.

Arinta lagu muransan yahay oo heshiiskan adkeysay ayaa waxaa kamid ahaa barnaamijka gentaalada balaastiga ah ee dalka Iran iyo cunaqabateynta hubka ee saaran.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in heshiis lagu gaari doono maalmaha soo socoda isla markaana is faham laga gaaray sidii xayiraada looga qaadi lahaa dalka Iran.

 

Previous Post

Taliyaha ciidabka booliska oo aqoon kororsi u furay saraakiil boolis

Next Post

Wasiiro kormeerey xero lagu daryeelo carruur agoon ah

Next Post
Wasiiro kormeerey xero lagu daryeelo carruur agoon ah

Wasiiro kormeerey xero lagu daryeelo carruur agoon ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In