Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bashiir Diiriye Shariif oo isku sharaxay hogaanka maamulka gobollada dhexe”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Bashiir Diiriye Shariif oo isku sharaxay hogaanka maamulka gobollada dhexe”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bashiir Diiriye Shariif oo maanta kulan ka dhacay magaalada Muqdisho warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inuu u taaganyahay qabashada xilka madaxtinimada ee maamulka la doonayo in dhawaan laga hirgeliyo gobolada dhexe ee dalka gaar ahaan gobollada Mudug iyo Galguduud.

Ugu horeyn waxa uu tacsi u diray dadkii ku naf waayay dagaalada kasocda gobolka Galguduud isagoo ugu baaqay waxgaradka deegaanka in lasoo afjaro dagaalkaasi maadaama la doonayo dhawaan in deeganadaasi uu ka hanaqaado maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Related posts

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

January 26, 2026
Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

January 26, 2026

Bashiir Diiriye Shariif ayaa sheegay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka wax kaqabankara gobolada dhexe hadii loo doorto xilka madaxtinimada isagoo dhinaca kalena tilmaamay in hadii uu ku guuleytso isbedel muuqda laga dareemi doono gobollada Mudug iyo Galguduud gaar ahaan dhinacyada Amaanka,Caafimaad,iyo horumarinta deegaanka.

Sidoo kale Musharax Bashiir Diiriye Shariif ayaa ku amaanay dowladda federaalka Soomaaliya sida ay ugu heelan tahay in dalka lagu balaariyo nidaamka federaalka oo dadka Soomaaliyeed ay Dastuurka ku qorteen inaay qaataan kaasoo saldhig u noqon doona buu yiri in Soomaaliya markale cagheeda isku taagto.

Tan iyo markii la shaaciyay in maamul goboleed ay ku mideysanyihiin dadka kunool gobollada dhexe laga hirgelinayo Mudug iyo Galguduud ayaa waxaa soo badanaya musharaxiinta u taagan qabashada xilkaasi.

DSC06957 DSC06960 DSC06961 DSC06962 DSC06963 DSC06964
Sawir-Qaade:.Farxaan Suleyman Daahir
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Ergadii kaqeybgashay shirka Afka Soomaaliga oo maanta soo booqday wasaaradda warfaafinta “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka duhurnimo ee Radiomuqdisho

Next Post
Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhurnimo ee Radiomuqdisho

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

January 26, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya. waxaana oggolaaday...

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeennada koowaad...

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

January 26, 2026
0

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa bogaadiyey isbeddelka amni ee laga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In