Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baydhabo oo lagu soo xirey shir Hiigsiga cusub looga hadlaayay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Weerar Kooxda UGUS ay Ku Qaadeen Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Ee Beydhabo Oo Ciidamada ay Fashiliyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu soo geba gebeeyay shir looga hadlaayay arrimaha hiigsiga cusub ee loo yaqaano New deal kaas oo maalintii shalay ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa waxaa shalay Baydhabo ka furey Madaxweynaha maamulka Koonfur galeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaana ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur galbeed, Siyaasiyiin iyo xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Xubno ka socday maamul goboleedyada dalka ayaa sidoo kale ka qeybgalay shirkan maanta magaalada Baydhabo lagu soo gunaanaday.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur galbeed Mudane Xasan Maxamed oo kamid ahaa Wasiiradii shirkan ka qeybgalay ayaa sheegay in shirkan u jeedadiisu aheyd sidii maamulka Koonfur galbeed uu qeyb ugu qaadan lahaa hirgelinta Barnaamijka Hiigsiga cusub iyo sidii loo fahamsiin lahaa dadka ku nool maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo shirkan maanta soo xirey ayaa saxaafadda u sheegay in shirkan uu ahaa mid muhiim u ah bulshada ku dhaqan deegaanada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya isla markaana wax badan ku soo kordhin doono hirgelinta Barnaamijka Hiigsiga cusub (NEW DEAL) kaas oo dowladda Soomaaliya ay la gashay wadamada iyo hay’adaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo shir looga hadlaayo Hiigsiga cusub lagu qabto magaalada Baydhabo tan iyo markii la yegleelay maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Haweenka oo Mareykanka uga qeyb galaysa shir caalami ah

Next Post

Gudoomiye Jawaari oo Hambalyo u direy dhigiisa Jabuuti

Next Post
Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Jabuuti

Gudoomiye Jawaari oo Hambalyo u direy dhigiisa Jabuuti

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In