Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beegsiga Horjoogayaasha Alshabaab Waa dabar Go’ooda.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Beegsiga Horjoogayaasha Alshabaab Waa dabar Go’ooda.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Alshabaab oo ah koox ka inxiraaftay Diinta Islaamka iskana dhaadhicisay in ay kaligood Muslim yihiin, Soomaalida kalana u haysata dad gaalo ah ama ka ridoobay Diinta Islaamka waxay dalka Soomaaliya lagu arkay markii ugu horaysay sagaashameeyadii.

Waqtigaas waxay ahaayeen in la tirin karo oo gacmaha lagu soo qabqaban karo, haddii lagu dhaqaaqo, laakiin awoodooda xoogga leh waxay la soo baxeen, waagii Maxkamadaha  2006dii.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Waagaas waxay isku dhex qarinayeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee la hirgaliyey dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Iyaga oo ku dhex jira maxkamadaha oo la moodayo in ay maxkamaduhu hal hogaan oo kaliya leeyihiin ayay hoosta ka samaysteen hogaan iyaga u gaar ah.

Taasna waxaa daliil u ah markii ay soo saareen Amaro ad-adag oo aan ka soo baxin Maxkamadihii markaa jiray sida Qaadkii ay kaligood ku gubeen meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Markii la iska waraystay arintaas iyo cidda fulisay amarkaasna waxay si cad oo bareer ah u sheegteen kooxdaan in ay ka madax banaan yihiin Maxkamadihii Islaamiga mana kawar hayn kooxdaan mayalka adag ee sida tooska ah uga amar qaadanaysay dad aan u dhalan dalka soomaaliya oo horay u soo gubay kuna soo caasiyey dalalkooda, dhuumaalaysiga iyo gabaadkana ka soo raadsaday dalkeena.

maalmo ka dib waxay kooxdaani biloowday ugaarsiga ka taqaluska dadka wax galka ah ee Soomaaliyeed kana soo horjeeday mabda’ooda Xaaraanta ah ee ku dhisan gaalaynta dadka Muslimka.

waxay dilal qarsoodi ah oo abaabulan ku sameeyeen dadka u shaqeeya dawladda, saraakiisha ciidanka kuwooda aqoonta milatari leh, aqoonyahanka ummadda, Odayaasha dhaqanka ku adadag iyo cid kasta oo ay is yiraahdaan waxa garan kartaa ujeedooyinkiina.

Waxaa la dilay dad wax u tari lahaa dalkaan haddii ay noolaan lahaayeen, waxay mooraduugeen in badan oo dhaqaale ku filan haysatay, iyaga oo ugu been hawaasaya in dalka soomaaliya ay ka hirgalin doonaan dawlad islaam ah, midkii iska diida fikirkoodaas oo ka dhaga adaygana si sir ah ayay u dileen, kii ka baqay in uu faqriyo wuxuu isaga cararay dalka oo dhan.

Gumad iyo xaalufin kasta oo ay dalka iyo dadka u gaysteen kooxdaan qawlaysatada ah lama waayin weligeed dad kale oo soomaaliyeed oo rayid iyo ciidanba isugu jira oo ka horyimaada mabda’ooda dad laynta iyo boobka ah iskana celiya in kasta oo aan guul laga gaarin kooxdaas dhiigyacabka ah ee inta badan ku dhuunta magaca diinta islaamka.

Waxaa xaqiiq ah in ay kooxdaani ay yaambo iyo katarabiil ay ka dhigteen dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan wax la barin iyo dad waawayn oo maangaab ah iyo qaar kale oo nolosha lagu ciririyey waqtigii dagaalada sokeeye oo uun alshabaab u raacay in ay aargutaan oo kaliya.

 

Waa Marag ma doonto in qaar ka mid ah soomaalidu ay eedeen taageeradii indhal’aanta ahayd oo ay taageereen Burcad diineedka alshabaab oo meel dadka lagu dhaco ka furtay goobaha ay ka taliyaan Kooxdaan ka soo horjeedda dadnimada iyo dawladnimada Soomaaliyeed, ka dib markii la wiiqay awoodooda dib ugu soo laabtay kuwii aqoonyaridooda ku taageeray si ay ula cunaan wixii ay haysteen, ugu dambayntiina ka dhigay dad cayr ah oo maanta gobolada dalka iyaggoo waxba heysan ay joogaan.

Hadda ayay dadkaasi ogaadeen in Alshabaab aysan ahayn dad la ah walaal kuwa soomaalida ah ee ku dhex jirana aysan ahayn dad la walaal ah, waase goor ay xeero iyo fandhaal ka dhaceen oo aan waxba loo qaban karin.

Hadda waxaa meelo ay ku dhuumaalaystaan oo dalka ka mid ah ka socda Beegsi qurux badan oo aan waxba lagu yeelaynin dadka weli ku hoos nool Alshabaab, oo uun lagu dilayo Amiirada iyo horjoogayaasha Kooxda, arintaas oo ay fulinayaan Cutubyo ciidamada Geesiyiinta ah ee soomaaliyeed iyo dalalka Saaxiibada la ah oo daqiiqad iyo saacad kasta lagu qaarjinayo xubno sar sare oo qawlaysatada Alshabaab ka tirsan.

Qaar laga soo qabtay iyo qaar kale oo iska soo dhiibay oo u waramay warbaahinta ayaa laga soo xigtay in lagu qalday Diinta islaamka oo aysan aqoon fara badan u lahayn islamarkaana ay run moodeen, waxay intaasi raaciyeen in ay maanta ka shalaayayaan wixii ay Soomaalida kale u gaysteen.

Waxaa hubaal ah in laynta maanta lagu hayo Alshabaab iyo weerarada isdaba joogga ah oo ay ku hayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed wuxuu noqon doonaa mid looga adkaado qawlaysatada Alshabaab isla markaana ay mahadin doonaan soomaalida oo dhan.

Waxaan marnaba la iloobi doonin Baaqii Dhaxal galka ahaa ee Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ka dib markii uu ka xumaaday dhacdadii  14kii octoobar ee  alshabaab  ay naftooda ku gooyeen in ka badan 400 oo muwaadiniin soomaaliyeed ah, baaqaas oo ahaa mid uu madaxweynaha si cad uu ugu sheegay in kooxdaas iyo falalkoodaan loo sii dul qaadan doonin dagaal midaysana ay ku qaadi doonaan dawladda iyo dadka Soomaaliyeed iyaga oo aan u kala harin.

W/D:- Tifaftiraha wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA

Previous Post

Akhriso: Ajendayaasha kulanka Golaha Shacabka ee Kulankooda Maanta

Next Post

R/Wasaare Khayre oo goor dhow u amba baxay Baydhabo

Next Post
R/Wasaare Khayre oo goor dhow u amba baxay Baydhabo

R/Wasaare Khayre oo goor dhow u amba baxay Baydhabo

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In