Kulan lagu soo bandhigayay hashiis ay kala sixiixdeen dad khilaaf gacan ka hadal ah sababay uu ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo ayaa lagu qabtay magaaladaasi ayadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin waxgarad iyo qeybaha buslhada.
Madasha heshiiskaan looga gaaray khilaafaadka mudada badan soo jiitamayay ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Axmed Suge Ciilmooga oo ka mid ahaa waxgaradkii ka qeyb galay ayaa sharaxay waxyaabaha qilaafaadkasi sababay iyo heshiiska la gaaray .
“Waxaan halkaan ka cadeeynaynaa in qagiilo sodon sano kala maqnaa aas heshiiyay kuna midoobay boqol iyo bar iyo baahiyo buush ay hal mid ka ahaadaan colaadihii iyo khilaafkii ka dhax jirayna la dhameeyay ayaan halkaan ka cadeeynaynaa maanta waxaan kaloo ogeeysiineeynaa walaalaha naga maqan in ayagu ay qaataan heshiiska sida anaga aan sameeynayna ay sameeyaan meel kasta oo ay joogaan bulshada sideey wax u fahmeena ay u fahmaan.
Sidoo kale qaar ka mida waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo taabba galinta heshiiska la gaaray iyo in guud ahaana beelaha ku nool gobalka ay kula noolaadaan nabad iyo walaaltimo
“Maadaama sodan sano la kala maqnaa dhibaato colaad iyo khilaaf awgood hadda la midoobay dhihid iyo dhimashaba waxaa kaloo na laga raabaa beelo ayaan la daganahay sida beelaha Galmudug iyo kuwa puntland in aan wax la qeybsano oon la wadaagno taana hala ogaado waa mid aan is farnay go’aanada shirka ayeey ku jirtaa
“Waxaan leenahay anaga ahaan qodabada Hashiisaankaan waan taageernay iyagiina way nala taageereen hadana umaddaan ayaan leenahay dhamaanteen waa in aan wada taageernaa
Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa hadallo ka jeediyay xubnihii matalayay ururada dhalinyarada iyo haweenka dhinacyada la heshiyay waxaana dhamaantood ay si weyn usoo dhaweeyeen heshiiska laga gaaray khilaafadka soo jireenka ahaa mudada ka badan 30ka sano.
Heshiiskan ayaa wax badan ku soo kordhin kara nolosha iyo isdhexgalka bulshada labada dhinaca ayadoo uu meesha ka baxayo kalashaki iyo tuhuno amaan dari sababi kara.