Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beelo ku dagaalamay G/Hiiraan oo maanta heshiis gaaray “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Beelo ku dagaalamay G/Hiiraan oo maanta heshiis gaaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulamo dib-u-heshiisin ah oo ku dhawaad 25 maalmood ka socday magaalada Baledweyne ee Gobalka Hiiran, kaas oo loo qabto beelaha ku nool deegnada gobalkaasi, ayaa lagu guuleystay xabad joojin labo dhinac ah oo ku dhawaad 8 sanno ku dagaalamayay deegnada Kabxanley iyo Deefoow.

Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Dawladda Federalka Soomaliya ayadoo kaashanaysa Wasaaradda Dib u heshiisiinta ee Dawalad Goboleedka Hirshabeelle, garabna ka helaysa Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Yurub waxa ay in muddo ah ku hawlanayeen xal u helista colaad soo jiitamaysay muddo toban sano ah oo u dhaxeysay beelaha walaalaha ah ee Xawaadle iyo Surre (Faqay Muxumad iyo Faqay Cumar).

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Hadaba wax-garadka labada beelood markii ay yeesheen shirar gaar-gaar ah waxa ay ku heshiiyeen qodobada hoos ku qoran:

1. In si shuruud la’aan ah loo joojiyo xabadda, lana kala fogeeyo cidwalba oo hubaysan oo amni darro ka abuuri karta goobihii horay loogu dagaalamay.

2. In wada hadal la isugu yimaado muddo afartan iyo shan cisho (45) gudohood ah kana bilaabanaysa marka beeluhu sixiixaan heshiiska.

3. In laga fogaado is-dhexmar kasta oo sababi kara colaad, dil, dhaqdhaqaaq colaadeed, amni darro ama barakac.

4. In laga fogaado wax walba oo colaad ama kalsooni darro keeni kara sida hadalo xanaf leh oo warbaahinta la mariyo, kicin bulsho iyo hurin colaadeed oo dhiig sokeeye ku daato.

Hadaba cidii ku xadgudubta heshiiska la gaaray waxa ay si buuxda u qaadaysaa mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata, waxa ayna mutaysanaysaa ciqaabta hoos ku qoran:
a) Ciddii heshiiskaan xabad joojinta ah jabisa, dil gaysata, colaad abaabusha, waxaa tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadaya ciidamada Booliska iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
B) Danbiilihii baxsada waxaa loo soo xirayaa qofka ugu dhow ee damaanadiisa leh sida Aabihiis, Adeerkiis, Walaalkiis, Nabadoonkiisa IWM.

Ugu dambeyntii waxaa kulanka hadalo kooba ka jeediyay Maamulka Goblka Hiiran, kan Hirshabeelle, Dowladda Federaalka Soomaaliyaa iyo labada dhinac madax dhaqameedkooda wax ayna balan qaadeen in ay fulin doonan qodob ee lagu heshiiyay.

Previous Post

Cumar Filish oo kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka GB

Next Post

Dhuusamareeb oo dhawaan marti gelindoonta shirweynaha dhaqanka

Next Post
Dhuusamareeb oo dhawaan marti gelindoonta shirweynaha dhaqanka

Dhuusamareeb oo dhawaan marti gelindoonta shirweynaha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In