Monday, July 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beelo ku dagaalamay G/Hiiraan oo maanta heshiis gaaray “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Beelo ku dagaalamay G/Hiiraan oo maanta heshiis gaaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulamo dib-u-heshiisin ah oo ku dhawaad 25 maalmood ka socday magaalada Baledweyne ee Gobalka Hiiran, kaas oo loo qabto beelaha ku nool deegnada gobalkaasi, ayaa lagu guuleystay xabad joojin labo dhinac ah oo ku dhawaad 8 sanno ku dagaalamayay deegnada Kabxanley iyo Deefoow.

Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Dawladda Federalka Soomaliya ayadoo kaashanaysa Wasaaradda Dib u heshiisiinta ee Dawalad Goboleedka Hirshabeelle, garabna ka helaysa Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Yurub waxa ay in muddo ah ku hawlanayeen xal u helista colaad soo jiitamaysay muddo toban sano ah oo u dhaxeysay beelaha walaalaha ah ee Xawaadle iyo Surre (Faqay Muxumad iyo Faqay Cumar).

Related posts

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

July 5, 2026
Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026

Hadaba wax-garadka labada beelood markii ay yeesheen shirar gaar-gaar ah waxa ay ku heshiiyeen qodobada hoos ku qoran:

1. In si shuruud la’aan ah loo joojiyo xabadda, lana kala fogeeyo cidwalba oo hubaysan oo amni darro ka abuuri karta goobihii horay loogu dagaalamay.

2. In wada hadal la isugu yimaado muddo afartan iyo shan cisho (45) gudohood ah kana bilaabanaysa marka beeluhu sixiixaan heshiiska.

3. In laga fogaado is-dhexmar kasta oo sababi kara colaad, dil, dhaqdhaqaaq colaadeed, amni darro ama barakac.

4. In laga fogaado wax walba oo colaad ama kalsooni darro keeni kara sida hadalo xanaf leh oo warbaahinta la mariyo, kicin bulsho iyo hurin colaadeed oo dhiig sokeeye ku daato.

Hadaba cidii ku xadgudubta heshiiska la gaaray waxa ay si buuxda u qaadaysaa mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata, waxa ayna mutaysanaysaa ciqaabta hoos ku qoran:
a) Ciddii heshiiskaan xabad joojinta ah jabisa, dil gaysata, colaad abaabusha, waxaa tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadaya ciidamada Booliska iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
B) Danbiilihii baxsada waxaa loo soo xirayaa qofka ugu dhow ee damaanadiisa leh sida Aabihiis, Adeerkiis, Walaalkiis, Nabadoonkiisa IWM.

Ugu dambeyntii waxaa kulanka hadalo kooba ka jeediyay Maamulka Goblka Hiiran, kan Hirshabeelle, Dowladda Federaalka Soomaaliyaa iyo labada dhinac madax dhaqameedkooda wax ayna balan qaadeen in ay fulin doonan qodob ee lagu heshiiyay.

Previous Post

Cumar Filish oo kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka GB

Next Post

Dhuusamareeb oo dhawaan marti gelindoonta shirweynaha dhaqanka

Next Post
Dhuusamareeb oo dhawaan marti gelindoonta shirweynaha dhaqanka

Dhuusamareeb oo dhawaan marti gelindoonta shirweynaha dhaqanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

July 5, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Seattle ee...

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wufuud...

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo wefdi heer sare ah oo uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In