Wafdi wasiiro iyo xildhibaano ka kooban oo ka socda dowladda Dhexe oo shalay gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa ka qeyb galay gogol lagu soo afjaray dib-u-heshiisiin uu maamulka gobolku ka dhex waday beelo dhawaan ku dagaallamay qeybo ka mid ah degmada Jowhar.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa tilmaamay in beelahaan oo markii hore dhul-beereed ku dagaallamay ay heshiis gaareen, isla markaana ay mihiim tahay in laga fogaado colaadaha beelaha oo aysan mar dambe soo noqon.
Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in loo baahan in dadka gobolku ay daris wanaag muujiyaan, islamarkaana ay xalliyaan khilaafadkooda ka hor inta aysan gacan ka hadal gaarin arrinti, isagoo maamulka gobolka kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo isu soo dhaweynta bulshada.
Wafdigaan ayaa ka kooban wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha Cabdirashid Maxamed Xidig, Wasiirka kalluumaysiga Maxamed Cumar Ceymooy, wasiiru-dowladaha maaliyadda Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo xilbaano ka tirsan baarlamaanka oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdqaadir Cosoble, Xildhibaan Cabsisataar Cabdisalaan Sh Xasan Iyo Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.