Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beelo walaalo ah oo heshiis ku wada gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Beelo walaalo ah oo heshiis ku wada gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Heshiiskan ay gaaren beela walaalo ah oo wada daga deeganada hoos yimaada degmada Warsheekh Gobalka Shabeelaha Dhaxe, kuwaaso mudooyinkii lasoo dhafay dhexmartay dirir ayaa heshiiskasi waxaa kasoo shaqeeyay maamulka gobalka Shabelaha Dhaxe, odayaal dhaqmeed iyoΒ  Xildhibanada ka soo jeeda deeganadasi,

Munaasabad lagu soo gaba gabeynayay wada hadalka in muda ah soo socday oo ay ku heshiiyen beelahaasi lagu qabtay Degmada Warsheekh, iyadoo ay kasoo qeyb galeen Xilibaanno ka tirsan Barlamanka Soomaaliya, maamulka gobalka Shabeelaha Dhaxe, maamulka gobalka Banaadir waxgarad, Culimaa’udiinΒ  iyo dadweyne aad u tira badan oo watay boorar ay ku xardhanyihiin Nabaddu waa furaha nolasha iyo astaanta Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kuwasoΒ  goob joog ka ahaa heshiiskasi,

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Inta ay munaasabada socotay ayaa bar baarta gaashaaman waxeyΒ  goobta ku soo bandhigeen cayaaro ka turjumayo hidaha iyo dhaqanka iyo ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo nabad galyada iyo horumarka gobalka,

Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha dhexe Mudane Cali CabdulaahiΒ  Xuseen β€œCali Guudlaawe” ayaa u mahadceliyay beelihi heshiiska nabadeed wada gaaren iyo cidkasto kaalin ka qaadatay heshiiskani.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xusen β€œMuungaab” oo ka mid ah mus’uuliyinti ka qeyb gashay munaasabada ayaa tilmaamay in mamaulka goblka Banaadir uu ku faraxsan yahay nabadda iyo horumarka ka jira Shabeelaha dhaxe oo daris la ah Muqdisho.

Xildhiban Cabdiraxmaan Ibraahim Cali Shiiraar oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya waxuu ugu baaqay beelaha heshiiska wada gaaray in la xoojiyo hashiiska nabadeed isla markaana laga foogado waxkasto uu dib u dhigayo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Hadaba qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah.

  1. In la soo celiyo walaaltinimadii labada beel ee Walaalaha ah, waxey ku heshiiyeen ay is cafiyan oo ay ka toobad keenaan wixii horey u dhacay.
  2. In lasoo celiyo Walaalnimadi iyo diris nimadii ka dhaxeysay labada beelod ee walaalaha ah.
  3. In labada beelood ay si nabadgelyo ah u wada dagaan oo ay ku wada noolaadaan nabadda.
  4. In la isaga garaabo qasaarihi ka dhashay waxyaabihii sababay gacan ka hadalka.
  5. Qodobada heshiiska waxaa saldhig u ah shareecada Islaamka, laguna dhaqi doono ciddii xadgudub la timaado, sida qofkii qof dila in loo dilo sida ay qabto shareecada Islaamka.

Copy of IMG_0529 IMG_0509 IMG_0513 IMG_0517 IMG_0523 IMG_0529 IMG_0533 IMG_0535 IMG_0537 IMG_0549 IMG_0551 IMG_0552 IMG_0553 IMG_0560 IMG_0567 IMG_0571 IMG_0574 IMG_0580 IMG_0584 IMG_0585Β Β IMG_0602Β Β IMG_0612 IMG_0615 IMG_0616 IMG_0617 IMG_0620 IMG_0621 IMG_0622 IMG_0627 IMG_0628 IMG_0637 IMG_0638Β Β IMG_0641 IMG_0642Β Β IMG_0656 IMG_0662 IMG_0663 IMG_0675 IMG_0676 IMG_0677 IMG_0680 IMG_0681 IMG_0683 IMG_0688 IMG_0702 IMG_0705 IMG_0706 IMG_0710 IMG_0712 IMG_0716 IMG_0717Β Β IMG_0723 IMG_0727 IMG_0743 IMG_0756 IMG_0757 IMG_0761 IMG_0767 IMG_0776 IMG_0777 IMG_0788 IMG_0790 IMG_0797 IMG_0800Β Β IMG_0851 IMG_0855 IMG_0858Β Β IMG_0877 IMG_0881 IMG_0871IMG_0884 IMG_0887

 

Sawir Qaade:- Jabiiba

Previous Post

Waalidiin codsaday in la caawiyo gabadhooda xanuunsan “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In