Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beelo walaalo ah oo heshiis nabadeed ku gaaray deegaanka Gadoon

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Beelo walaalo ah oo heshiis nabadeed ku gaaray deegaanka Gadoon
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu heshiisiinayay beelo walaalo ah oo hore u dagaalamay  ayaa lagu qabtay Degaanka Gadoon oo hoos yimaada Degmada Dhuusamareb.

Gogosha nabadeed ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gal-mudug, Culima udiin, Wax-garad iyo dhammaanba Bulshada qeybeheeda kala duwan ee ku nool Deegaanka.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Madasha oo lagu kala qaatay diyadii dadkii horay loo dilay ayaa waxaa ka hadlay wax-garad iyo culimadii gogosha soo xaadiray, iyagoona soo dhoweeyey muwaafaqada laga gaaray colaaddii u dhaxeysay dadka ku dhaqan Deegaanka Gadoon.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay Macallin C/raxmaan Geeda-qorow oo munaasabadda ka soo qeybgalay iyo Xildhibaan C/rashiid oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Gal-mudug, isagoo Xildhibaanku Bushada
heshiineysay u sheegay inay ka taageerayaan wixii wanaag ah iyo soo qabashada kuwa isku daya inay wax dilaan dadkana fidno ka dhex oogaan.

Ugu dambeyn waxaa qodobadii lagu heshiiyey war-baahinta u aqriyey Axmed Salaad Kulmiye kaddib markii Guddi loo saaray iyadoo lagu soo daray in magacii hore ee Deegaanka la badalo maadaama dhibaato lagu galay
loona bixiyo magac cusub oo ah Daaro-salaam.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

R/wasaaraha oo shacabka uga tacsiyadeeyey geerida Maxamed Abshir Yuusuf Walde.

Next Post

R/wasaaraha oo shacabka uga tacsiyadeeyey geerida Maxamed Abshir Yuusuf Walde.

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In