Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beelo walaalo ah oo heshiis nabadeed ku gaaray deegaanka Gadoon

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Beelo walaalo ah oo heshiis nabadeed ku gaaray deegaanka Gadoon
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu heshiisiinayay beelo walaalo ah oo hore u dagaalamay  ayaa lagu qabtay Degaanka Gadoon oo hoos yimaada Degmada Dhuusamareb.

Gogosha nabadeed ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gal-mudug, Culima udiin, Wax-garad iyo dhammaanba Bulshada qeybeheeda kala duwan ee ku nool Deegaanka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madasha oo lagu kala qaatay diyadii dadkii horay loo dilay ayaa waxaa ka hadlay wax-garad iyo culimadii gogosha soo xaadiray, iyagoona soo dhoweeyey muwaafaqada laga gaaray colaaddii u dhaxeysay dadka ku dhaqan Deegaanka Gadoon.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay Macallin C/raxmaan Geeda-qorow oo munaasabadda ka soo qeybgalay iyo Xildhibaan C/rashiid oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Gal-mudug, isagoo Xildhibaanku Bushada
heshiineysay u sheegay inay ka taageerayaan wixii wanaag ah iyo soo qabashada kuwa isku daya inay wax dilaan dadkana fidno ka dhex oogaan.

Ugu dambeyn waxaa qodobadii lagu heshiiyey war-baahinta u aqriyey Axmed Salaad Kulmiye kaddib markii Guddi loo saaray iyadoo lagu soo daray in magacii hore ee Deegaanka la badalo maadaama dhibaato lagu galay
loona bixiyo magac cusub oo ah Daaro-salaam.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

R/wasaaraha oo shacabka uga tacsiyadeeyey geerida Maxamed Abshir Yuusuf Walde.

Next Post

R/wasaaraha oo shacabka uga tacsiyadeeyey geerida Maxamed Abshir Yuusuf Walde.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In