Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beenin: Ku Been Abuurasho Magaca Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Beenin: Ku Been Abuurasho Magaca Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaan Ummada Soomaaliyeed la wadaageynaa inay been abuur tahay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo dad dano gooniya ka leh ay ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada, Dr. Fawisiya Abikar ay arday kullyadda Caafimaadka ka hor istaagtay iney layli (practicum) ku sameeyaan cisbitaalada dawladda ee ay Wasaaraddaasi maamusho.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), waxay Ummadda Soomaliyeed u caddeyneysaa in Dr. Fawsiya ay JUS la leedahay xiriir aad u qotadheer oo marna aysan suuragal ahayn in xirirkoodu xumaado arrimaha soo socda aawgeed:

Related posts

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026

1) Dr. Fawsiya Abikar oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada waxay ka mid tahay ka qalin jebiyeyaasha JUS oo ay Jaamacaddu ku faanto

2) Waxay ka mid ahayd barakaaliyeyaashii JUS loo qaatay ka dib markii ay qalin jebisay, iyadoo ku muteysatay iney ahayd qalin jebiyeyaashii dufcaddeeda ee kulliyadda sharciga ugu dhibcaha (CGPA) badnaa sidaas ayaana muddo ka dib takhasus loogu diray dalka Talyaaniga oo ay tacliinteeda sare ku soo qaadatay

3) Sharci ahaan Dr. Fawsiya waxay ka mid tahay Guddiga Sare ee maamula JUS oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu guddoomiye u yahay

Intaasoo dhan waxay muujinayaan in xiriirka Dr. Fawsiya iyo JUS uusan marnaba xumaan karin ,arrinkaasna waxaa taas markhaati ka ah barnaamijyada sanadkaan ay labada hay’adood iska kaashadeen oo ay si wada jir ah Ummadda Soomaaliyeed ugu gargaareen oo ay ka mid tahay:

1) Jaamacadda iyo Wasaaraddu waxay si hufnaan iyo wada jir ah ugua shaqeeyen xaruunta wicitaanka COVID-19 (COVID-19 call center)

2) Waxay wada abaabuleen barnaamij aqoon kororsi ah oo “fogaan cashar bixin (Distance learning) kaa oo dhakhaatiir Jaamacadaha Talyaaniga ka socda ay tababar ku saabsan la tacaalidda COVID-19 lagu siiyey dhakhaatiirta Soomaaliyeed

3) Hadda waxay gacanta ku wada hayaan barnaamij aqoon fidin iyo cilmi baaris la xiriirta cudurada dhimirka ee dhalliyarada.

4) Dufcadii koobaad ee kulliyadda cafimaadka JUS waxay hadda tababar caafimad (Internship) ku sameynayaan cisbitaalada ay maamusho Wasaaraddu sida Benadir, Martiini iyo kuwo kale oo Wasaaraddu ku dhiirigelsay iney ka qaybqaataan tababaridda ardayda JUS waxaana kuwaas ka mid ah cisbitaalka Erdogan (Ex-Digfer).

Intaas oo dhan waxay markhaati cad u yihiin in xiriirka wadashaqayneed ee Wasaaradda Caafimaadka oo Dr. Fawsiya ay hogaamiso iyo JUS uu aad iyo aad u fiican yahay. Qofkii doonayo inuu dano uu isagu leeyahay ka dhex raadiyo waxaan leenahay imaanka Allaha gelsho.

Ugu danbayntii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxay caddeyneysaa in wararka lagu faafiyay baraha bulshada ay ka dambeeyeen dad dano gooniya ka lahaa, waxayna ku been abuurteen magaca Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed dadkaasi haddii aysan ficilada noocaas ah aysan ka waantoobin, JUS waxay xaq u leedahay iney sharciga la tiigsato.

Previous Post

Sii Hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Oo Ka Warbixiyay Ahmiyadda Manhajka Waxbarashada Dalka

Next Post

Ciidamada Ammaanka Oo Fashiliyay Weerar Ay Maleeshiyada Al-Shabaab Ku Soo Qaadi Rabeen Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

Next Post
Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb oo dib u dhis lagu sameynayo “Dhageyso”

Ciidamada Ammaanka Oo Fashiliyay Weerar Ay Maleeshiyada Al-Shabaab Ku Soo Qaadi Rabeen Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In