Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beenin: Ku Been Abuurasho Magaca Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Beenin: Ku Been Abuurasho Magaca Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaan Ummada Soomaaliyeed la wadaageynaa inay been abuur tahay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo dad dano gooniya ka leh ay ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada, Dr. Fawisiya Abikar ay arday kullyadda Caafimaadka ka hor istaagtay iney layli (practicum) ku sameeyaan cisbitaalada dawladda ee ay Wasaaraddaasi maamusho.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), waxay Ummadda Soomaliyeed u caddeyneysaa in Dr. Fawsiya ay JUS la leedahay xiriir aad u qotadheer oo marna aysan suuragal ahayn in xirirkoodu xumaado arrimaha soo socda aawgeed:

Related posts

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026

1) Dr. Fawsiya Abikar oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada waxay ka mid tahay ka qalin jebiyeyaasha JUS oo ay Jaamacaddu ku faanto

2) Waxay ka mid ahayd barakaaliyeyaashii JUS loo qaatay ka dib markii ay qalin jebisay, iyadoo ku muteysatay iney ahayd qalin jebiyeyaashii dufcaddeeda ee kulliyadda sharciga ugu dhibcaha (CGPA) badnaa sidaas ayaana muddo ka dib takhasus loogu diray dalka Talyaaniga oo ay tacliinteeda sare ku soo qaadatay

3) Sharci ahaan Dr. Fawsiya waxay ka mid tahay Guddiga Sare ee maamula JUS oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu guddoomiye u yahay

Intaasoo dhan waxay muujinayaan in xiriirka Dr. Fawsiya iyo JUS uusan marnaba xumaan karin ,arrinkaasna waxaa taas markhaati ka ah barnaamijyada sanadkaan ay labada hay’adood iska kaashadeen oo ay si wada jir ah Ummadda Soomaaliyeed ugu gargaareen oo ay ka mid tahay:

1) Jaamacadda iyo Wasaaraddu waxay si hufnaan iyo wada jir ah ugua shaqeeyen xaruunta wicitaanka COVID-19 (COVID-19 call center)

2) Waxay wada abaabuleen barnaamij aqoon kororsi ah oo “fogaan cashar bixin (Distance learning) kaa oo dhakhaatiir Jaamacadaha Talyaaniga ka socda ay tababar ku saabsan la tacaalidda COVID-19 lagu siiyey dhakhaatiirta Soomaaliyeed

3) Hadda waxay gacanta ku wada hayaan barnaamij aqoon fidin iyo cilmi baaris la xiriirta cudurada dhimirka ee dhalliyarada.

4) Dufcadii koobaad ee kulliyadda cafimaadka JUS waxay hadda tababar caafimad (Internship) ku sameynayaan cisbitaalada ay maamusho Wasaaraddu sida Benadir, Martiini iyo kuwo kale oo Wasaaraddu ku dhiirigelsay iney ka qaybqaataan tababaridda ardayda JUS waxaana kuwaas ka mid ah cisbitaalka Erdogan (Ex-Digfer).

Intaas oo dhan waxay markhaati cad u yihiin in xiriirka wadashaqayneed ee Wasaaradda Caafimaadka oo Dr. Fawsiya ay hogaamiso iyo JUS uu aad iyo aad u fiican yahay. Qofkii doonayo inuu dano uu isagu leeyahay ka dhex raadiyo waxaan leenahay imaanka Allaha gelsho.

Ugu danbayntii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxay caddeyneysaa in wararka lagu faafiyay baraha bulshada ay ka dambeeyeen dad dano gooniya ka lahaa, waxayna ku been abuurteen magaca Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed dadkaasi haddii aysan ficilada noocaas ah aysan ka waantoobin, JUS waxay xaq u leedahay iney sharciga la tiigsato.

Previous Post

Sii Hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Oo Ka Warbixiyay Ahmiyadda Manhajka Waxbarashada Dalka

Next Post

Ciidamada Ammaanka Oo Fashiliyay Weerar Ay Maleeshiyada Al-Shabaab Ku Soo Qaadi Rabeen Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

Next Post
Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb oo dib u dhis lagu sameynayo “Dhageyso”

Ciidamada Ammaanka Oo Fashiliyay Weerar Ay Maleeshiyada Al-Shabaab Ku Soo Qaadi Rabeen Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In