Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beesha Caalamka Oo Bogaadisay Doorashadii Shalay Ka Dhacday Cadaado Hambalyeysayna

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Beesha Caalamka Oo Bogaadisay Doorashadii Shalay Ka Dhacday Cadaado Hambalyeysayna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka Bariga Afrika ee IGAD, AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka ayaa si Wadajir ah u soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug ee shalay ka dhacday degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, iyagoo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay u diray hamblayo.

“Waxaan u hambalyeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Xaashi Cabdi iyo sidoo kale waxaan iyana Hambalyo u diraynaa Xildhibaannada Galmudug ee wax doortay. Waxayna Doorashadu u dhacday si Cadaalad ah oo lagu Kalsoonaan karo,” ayaa lagu Sheegay War-Saxaafadeedka ay sida Wadajir ah u soo saareen xubnaha Beesha Calaamka.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Sidoo kale, Warka ayaa lagu xusay inay kula talinayaan madaxweynaha la doortay C/kariin Xuseen Guuleed iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi in xukuumadda ay soo dhisayaan ay kaalin weyn ku lahaadaan Haweenka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxaan ku Ammaanaynaa kaalintii ay ku lahayd inuu maamulka Galmudug dhismo iyo Fulinta Qorshaha Federaaleynta Soomaaliya. Waxaan sidoo kale ku Ammaanaynaa Murashaxiintii Doorashada ka Qayb-galay sidii ay Natiijada ka soo baxday doorashada ugu Qanceen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Beesha Calaamka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wadahadal lala furo dhinacyada cabashada qaba si ay maamulka ugu soo biiraan. Waxaan soo jeedinaynaa bay yiraahdeen in maamulka cusub ee Galmudug uu noqdo mid loo dhan yahay, ayna wadahadal ku dhameeyaan wax walba oo ka horyimaada, iyagoo u muujinaya dhinacyada kale niyad-wanaag iyo kalsooni.

“Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay Wadahadallo la furaan maamulka Puntland si loo xalliyo muranka Soohdinta ah ee taagan.” ayaa mar kale lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Calaamka.
Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Dowladda Somalia iyo Puntland in ay Xushmeeyaan heshiisyadii ay ku kala saxiixdeen Muqdisho iyo Garoowe, kuwaasoo la xiriira xuduudaha.

Iyagoo hoosta ka xariiqay in muranka taagan uusan sabab u noqon carqaladeynta amniga iyo xasilloonida xilligan ka jirta deegaannadaan.

Ugu dambeyn, Beesha Calaamka ayaa War-saxaafadeedkeedan kusoo Gunaanadday inay diyaar u yihiin inay kaalin ka Qaataan sidii xal looga gaari lahaa muranka hadda taagan ee dhanka xuduudaha Maamullada Gobollada Dalka.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka

Next Post

Waxqabadka Dowladda ee isbuucii la soo dhaafay “Sawirro”

Next Post
Waxqabadka Dowladda ee isbuucii la soo dhaafay “Sawirro”

Waxqabadka Dowladda ee isbuucii la soo dhaafay "Sawirro"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In