Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beladweyne oo si weyn looga xusay 1-da Luulyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Beladweyne oo si weyn looga xusay 1-da Luulyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan laguna maamuusayay 60 sano guuradii ka soo wareegatay xornimada Dalka iyo israacii labada Gobolka ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa xalay lagu qabtay magaalada Beledweyne.

Munaasabadda oo ka dhacday Aqalka Gobolka Hiiraan looga arrimiyo ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirro iyo Xildhibaanno Hirshabelle ka mid ah, maamulka gobolka Hiiraan, saraakiil ciidan iyo qeybaha bulshada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxdii ka qeyb gashay xuska 60 guurada ka soo wareegtay xornimada dalka ayaa ka sheekeeyay muhiimadda ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay todobaadka xorriyadda iyo sida loogu baahanyahay jiilka hadda soo baxaya inay bartaan taariikhda xorriyadda Soomaaliya ay soo martay.

Sidii caadada ahayd madaxda kala duwan  ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Qalabka Sida, markii ay saacadda ku beegneyd xilliga kala wareegga saacadda ee 12:00 AM saqda dhexe ee xalay.

Xuska 1-da Luulyo ee Beledweyne lagu qabtay sannadkan ayaa ka duwaneed kuwii hore, waxaana munaasabadan laga dheehan karay agaasin sare iyo dhallinyaro Rag iyo Dumar isugu jira oo u istaaagay in ay weyneeyaan toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Haweenka XFS oo ka hadashay doorka Haweenka ee ka qaybgalka Doorashooyinka Qaranka

Next Post

Dhallinyaro Dhir Beeris Ka Fuliyay Dugsiga Tababarka Booliska Ee Jeneraal Kaahiye “SAWIRRO”

Next Post
Dhallinyaro Dhir Beeris Ka Fuliyay Dugsiga Tababarka Booliska Ee Jeneraal Kaahiye “SAWIRRO”

Dhallinyaro Dhir Beeris Ka Fuliyay Dugsiga Tababarka Booliska Ee Jeneraal Kaahiye “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In