Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beledweyne Oo Lagu Qabtay Munaasabadda Xuska  15 May “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Beledweyne Oo Lagu Qabtay Munaasabadda Xuska  15 May “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo maanta si weyn loogu dabaal-dagayo xuska 15-ka May oo ah maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa munaasabad maalintan lagu xusayay waxaa lagu qabtay magaalada Beledweyne, waxaa ka qayb-galay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan.

Munaasabadda ayaa looga hadlay taariikhdii qiimaha badneyd ee 13-kii dhalinyarrada ahaa ee SYL, kuwaasoo lagu tilmaamay inay ahaayeen geesiyaal u bareeray ka miro-dhalinta xoriyadda aynu maanta haysanno.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Guddoomiyaha ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan Max’ed C/llaahi Buuraale [Raaxeeye] oo munaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa ku dheeraaday dhinaciisa waxqabadka ururka dhalinyarrada, isaga oo sheegay in ay taageero ballaaran siin doonaan isna bar bar taagi doonaan dhalinyarrada shirweynaha dib-u-hishiisiinta iyo ayaaha gobolka looga wadda hadallayo ee ka socda magaalada Beledweyne.

“Annaga ka dhalinyarro gobolka Hiiraan ahaan doorkeena waa cad yahay waana muuqdaa, wax badan oo wali dhimanna waa ay jiraan oo u baahan in wax laga qabto, waxaan rabaa in aan maanta halka ka sheego in dhalinyarrada gobolka si buuxda u taageersan tahay isna bar bar taagi doonto shirweynaha ka soconaya Beledweyne,” ayuu yiri Guddoomiyaha Ururka dhalinyarrada gobolka.

Xildhibaanno iyo siyaasiyiin iyaguna dhinacooda ka hadllay munaasabadda ayaa bogaadiyay sida quruxda badan leh oo ay isku soo abaabuleen dhallinyarada gobolka, iyagoo u rajeeyay guud ahaan dhalinyarrada mustaqbal wanaagsan iyo in ay ka shaqeeyaan nabada.

Intii ay Munaasabaddu socotay ayaa laga qaaday heeso madadaallo ah oo ay halkaa kusoo Ban-dhigayeen faniin isugu jiray Wiil iyo Gabdho si weyn u soo jiitay dareenka Xubnihii ka qaybgalay oo dhan.

Sidoo kale, Waxaa Xusid mudan in Halkaas lagu soo bandhigay Sawirro iyo Muuqaallo ka tar-jumayay wax qabadka ururka dhalinyarrada oo dhinacyo badan lahaa.

201551563567276876331181515-May1 201551563567276896377550415-May2 201551563567276910630593415-May6 201551563567276930788996115-May4 201551563567276952146958215-May10 201551563567276987502544215-May7 201551563567277345679603815-May8 201551563567277373921220215-May9 201551563567277387565298415-May3

Previous Post

Barnaamijka kulanka todobaadka oo uu marti ku ahaa wasiirka Bartoolka iyo Macdanta “Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed Ee 15 May Oo Caawa Muqdisho Ka Socota

Next Post
Qaban qaabada xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo ka socda Muqdisho

Xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed Ee 15 May Oo Caawa Muqdisho Ka Socota

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In