Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beledweyne oo saddax Carruur ah ay Gaajo ugu geeriyoodeen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Beledweyne oo saddax Carruur ah ay Gaajo ugu geeriyoodeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mayarka Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Nadar Tabaax Maalin ayaa faah faahisay saameynta Fatahaadda wabigu ka geystay Magaaladaas.

Guddoomiyaha Magaalad Baledweyne oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in xaalad addag ay wajahayaan shacabka ku nool Baledweyn oo ka qaxay fatahaada wabiga Shabeelle,islamarkaan afarta xaafad ee magaalad ka koobantahy uu si isku mid ah ay biyihu u sameyeen

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Sidoo kale waxa ay sheegtay in wali xafadaha qaar ay jiraan dad shacab ah oo ku go’doonsan,xaafadda Buundaweyne ayay sheegtay in ay Gaajo ugu geeriyoodeen saddex carruur ah,kadib markii ay ku go’doomeen,kuwa kalana ay la il daranyihin xaalado nafaqa darri oo u baahan in si dag dag ah looga jawaabo

Nadar Tabaax Maalin ayaa tilmaatay in dhammaan baqaaradii Rashiinka iyo gobihii Caafimaadka ay sameyeen daadadka fataahada magaaladan ay ka jirto xaaladi bini’aadannimo oo aad u daran,hay’addaha gargaarka ayay ugu baaqday in shacabka ay soo caawiyaan oo ay ka qeyb qataan gurmadka loo sameynayo Qoysaska ay fatahaadu sameeysay.

Hay’adda SODMA ayaa sheegtay duqa Magaalada Baledweyne In saddax deyaaradooda oo gargaar ah soo gaarsiisay,balsa sidaa ay Sheegtay wali kaalma intaa ka badan ay u baahanyihin shacabka Magaalada Beledweyne oo inta badan ka barakacay xaafadaha magaaladaasi.

Biyo kadhashay Roobka deyrta iyo fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle oo isbiirsaday ayaa ka dhashay fatahaad iyo daadad xooggan oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho,burbur iyo barakac intaba,waxaana Magaalada Baledweyne agabi ahaanba buux dhaafiyay biyo aad u fara badan oo sababay in dadkii dhamman ay faarujiyaan magaalada.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la qaatay U qeybsanaha Arrimaha Ciidanka ee Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya

Next Post

Dhammeystirka Dastuurku waa dhammeystirka Qarannimada (WARBIXIN)

Next Post
waa kuma Suxufiga dhabta ah?

Dhammeystirka Dastuurku waa dhammeystirka Qarannimada (WARBIXIN)

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In