Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bilan oo ah barnaamij warbaahineed oo ay gabdho keliya maamulaan oo Muqdisho lagu daahfurey.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Bilan oo ah barnaamij warbaahineed oo ay gabdho keliya maamulaan oo Muqdisho lagu daahfurey.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta la daahfuraya qeybtii ugu horreysay oo warbaahineed oo ay ka hawlgalayaan gabdho saxafiyiin Soomaaliyeed, taasoo oo siineysa haweenka xirfadleyda ah ee ku takhasusay warbaahinta in ay iyagu go’aan ka gaaraan barnaamijyada ay tabinayaan iyagoo oo xor ka ah cabsi iyo dhibaateyn.

 

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Qaybta waxaa ka shaqeeya oo maamula gebi ahaanba haween leh madax-bannaani tafatiran oo dhammaystiran waxayna soo saari doonaan sheekooyinka TV-ga, raadiyaha iyo warbaahinta internetka. Hal tafatire iyo shan saxafi ayaa go’aan ka gaari doona arrimaha ay tebinayaan iyo sida, iyaga oo isugu jira warar xiiso leh iyo maqaalo qotodheer oo diiradda lagu saarayo sheekooyinka u baahan in la tebiyo.

 

Qeybtan oo magaceeda la yiraahdo Bilan, waxaa maalgeliyay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta ee UNDP, waxaana marti-gelin doona oo ay ku dhex-shaqeyn doona gudaha xafiisyada Dalsan Media Group ee Muqdisho, iyadoo barnaamijyada ay soo saarayaana lagu tabin doono warbaahinta Dalsan, sidoo kale waxay la hadli doonaan warbaahinta caalamiga.

 

“Muddo dheer, haweenka saxafiyiinta Soomaaliyeed waxaa loola dhaqmayaa sidii muwaadiniin heer labaad ah, waxaana la iska indhatiray wararka, sheekooyinka iyo codadka la xiriira arrimaha haweenka kuwaas oo ah kala bar shacabka; Hadda annaga ayaa mas’uul ka ah warqabadka iyo qaabka loo tebinayo sheekada,” ayay tiri Nasriin Maxamed Ibraahim, oo qabanaysa jagada Tafaftiraha Guud ee Bilan.

 

Wareysiyo ay qaaday UNDP lixdii bilood ee ugu dambeysay, haweenka saxafiyiinta ah ayaa sheegay in aan lagu dhibaateeyo waddooyinka kaliya ee xitaa lagu dhibaateeyo goobaha shaqada. Inta badan waa loo diidaa fursadaha tababarka iyo dalacsiinta, iyo marka haweeneydu ay gaarto jago sare, inta badan waa la iska indhatiraa in lala macaamilo iyadoo shaqaalaha ka hooseeyo mudnaanta la siiyo. Sidoo kale waxaa la iska indhatiraa tebinta wararka iyo barnaamijyada muhiimka ee saameynta leh ee la xiriira arrimaha haweenka, kuwaas oo ay ku jiraan daryeelka carruurta, xadgudubka-qoyska iyo matalaadda siyaasadeed ee loo siman yahay.

 

“Waxaan rajaynaynaa in tani ay wax badan ka beddesho saaxadda warbaahinta Soomaaliyeed, isla markaana u furto fursado cusub oo haweenka saxafiyiinta ah, ayna iftiimiso mowduucyo cusub oo la iska indho-tiray, gaar ahaan kuwa muhiimka u ah haweenka,” ayuu yiri Jocelyn Mason, oo ah madaxa UNDP ee Soomaaliya

 

UNDP waxa ay sidoo kale bixin doontaa tababar iyo hagitaan muddo dheer socon doona, iyada oo ay keeni doonta qaar ka mid ah dadka magaca weyn ku leh saxaafadda Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah, sida weriyaasha BBC-da ee Lyse Doucet iyo Razia Iqbal iyo sidoo kale Lyndsey Hilsum oo la shaqeysa Channel 4  iyo weriyaha Aljazeera Mohammed Cadow. UNDP waxay fursad u siindoontaa wariyaasha in ay khibrad ka helaan haweenka saxafiyiinta ah ee ka shaqeeya wadamada la mid ah Soomaaliya si ay isu dhaafsadaan fikrado una bixiyaan taageero wadajir ah.

 

Si loo horumariyo jiilka soo socda ee haweenka saxafiyiinta ah ee Soomaaliyeed, qaybtan waxay fursad tababar oo lix bilood ah (internship) siin doontaa ardayda ugu wanaagsan ee saxaafadda ka barta laba jaamacadood oo ku yaalla Muqdisho.

 

Previous Post

Somalia’s first all-women media team puts women journalists in control of the news agenda

Next Post

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo wada Shahaada siinta Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya:

Next Post
Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo wada Shahaada siinta Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya:

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo wada Shahaada siinta Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya:

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In