Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay Qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 1, 2015
in Wararka
0
Bisha Cas Imaaraadka oo deeq afurin ah gaarsiisay Qoysas danyar ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda bisha cas ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta deeq afurin ah oo ka kooban  raashin biseyl ah oo ay ugu tala gashay qoysas badan oo ku nool degmooyinka Gobolka Benaadir ka qeybisay degmada Shangaani, halkaasi oo ay ka faa’iideysteen in ka badan 150-qoys., waxaana goobta lagu qeybinayay afurinta  ay goob joog ka ahaayeen Cali Cabdul Daacad oo ah sarkaal hay’adda ay u soo wakiilatay qeybtan deeqdaan iyo guddoomiyaha degmada Shangaani Axmed Xasan Yalaxow.

Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlay wakiilka hay’adda bisha cas Cali Cabdul Daacad oo tilmaamay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay macaawino ay dowladda Imaaradaka ugu talagashay inay ku caawiso dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan macaawinada nuucaan oo kale ah oo ay gaarsiin doonaan degmooyinka kale ee gobolka.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Mudane daacad ayaa hoosta ka xariiqay in ay bisha cas imaaraadka ay kafaalad qaaday afurinta in ku dhaw 50,000 ( shan kun oo qof ), kuwaasi oo ku dhaqan degmooyinka gobolka, isla markaana deeq kale u qeybin doonaan waalidiinta aan carruurta xilliyada cidda dharka u iibin Karin.

Guddoomiyaha degmada Shangaani Axmed Xasan Yalaxow oo ka mahad celiay deeqda afurinta ee la soo gaarsiiyay degmadiisa ayaa xusay inay gaarsiiyeen caa’ilooyinka ugu liita ee degmada ku nool, is lamarkaana afurinta ay ku soo beegantay waqti loo baahnaa.

“Marka hore waan ka mahadcelineynaa deeqdan afurinta ah ee nala soo gaarsiiyay, runtii Imaaraadka Carabtu annaga haddii aan nahay maamulka Degmada Shangaani dadka kale waan uga sokeynaa, waayo Safaaradooda ayaa degmada ku taala, waxaan codsaneynaa kaalmooyin kale inay nala soo gaaraan, Warbaahintana looga fadhiyo inay tebiso sida Imaaraadku ay u garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Shangaani.

Qoysaskii ka faa’ideystay  raashinka bisil ee afurinta ah ayaa uga mahad celiyay kaalmooyinka ay mar waliba la garab taaganyihiin  hay’adda bisha cas Imaaraadka Carabta dadka ku tabaaleysan degmooyinka gobolka Banaadir.

IMG_9543 IMG_9548 IMG_9552 IMG_9569 IMG_9584 IMG_9598 IMG_9617 IMG_9623 IMG_9627 IMG_9629 IMG_9633 IMG_9637

Previous Post

Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa, inay weli ku adkeysaneyso, ayna ka go’antahay Kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Caalamiga Ee Cadaaladda ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).

Next Post

Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika

Next Post
Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika

Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In