Waxaa sii adkaaneysa abaarta baxaadda leh ee ku habsatay dadka iyo duunyada ku dhaqan Galmudug, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee ka fog magaalooyinka, kuwaas oo ay soo food saartay biyo iyo baad la’aan tii ugu darneyd inta la xasuusto.
Waxaa Saddex meelood labo meesha ka baxay xoolihii ay dhaqanayeen reer miyiga , inta soo hartayna lama hubo sida ay ku sii noolaan karaan.
Haddaba, waxaa biyo dhaamis ka wado deegaanno ka tirsan labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud, gaar ahaan tuulooyinka fog fog Jaaliyaddo ka tirsan gobalka oo ku dhaqan qurbaha iyo ururo samafal oo uu ka mid yahay Sama-garad.
Deegaannada illaa hadda biyo dhaamiska laga wado ayaa waxaa ka mid ah Suul cayn, Mooragaal, Liibaan-Galle, Hog Dugaag, Tiigsane Sadax-ruun iyo waliba Tuulooyin kale oo dhamaantood saameyn ku yeelatay Biyo la’aanta, kuwaa oo masaafo dheer u jira magaalada Dhuusamareeb.